Published On: 6 December 2011 9:27 pm

Waa Xaajo Ugube ! Tolow Yaa Dilay Dr: Axmed Xaji W/Q Sh C/raxmaan Abyad

Share in top social networks!

Marka hore  Allaah waxaan u waydiinaya inuu sheekha u naxariisto eheladiisii iyo  ummada soomaaliyeedna sabir iyo iimaaan ka  siiyo . Intaas kadib  : dhaqanka soomaalida kama mid ahayn in culimada la laayo oo waxay ku jireen  biri ma gaydada, diinteena islaamkuna xataa baadariga kaniisadda ku jira in la  dilo bay xaaraantimaysay ,haseyeeshee dilka sheekha oo culimo kalena ka  horaysay , malaa kuwa kalana safka kusoo jiraan ayaa noqday xaajo ugub oo  soomaalida ku cusub .Si kastaba  ha ahaato ee tolow yaa inkaari ku dhacday oo sheekha dilay ?

Aniga  aragtidayda inta aanan dhiiban bal tilmaamahan ila fiiri .

1-    Qof shaqo ka dhigtay inuu culimada caayo oo ku been  abuurto.

2- Qof aaminsan inay cid kastaba ka shar badan yihiin oo gaalada jawaasiis
u yihiin .

3- Qof aaminsan “ jihaadkiisa “ inaanu ka midho dhalin Karin illaa cadawga
meesha laga saaro “ cadawgu waa culimada “ .

4- Qof aamin san in culimadu safka gaalada ku jiraan oo taangiyadooda ay ku
dhuumalaystaan.

5-    Qof aaminsan in loo layn karo” fasaadkooda” dartiis .

6-    Qof aaminsan in culimada qaarkood gaaloobeen maadaama  ay itoobiya heshiis la galeen dhulkii muslimkana”iibiyeen” oo xoogay sandareerto ah dhaafsadeen.

7- Qof dhiiga muslimkuba la fudud yahay oo isagoo qof doonaya labaatan
kalena galaafanaya una arka in ay banaan tahay oo jihad tahay.

8- Qof ay culimo u yihiin rag culimadii waaweynayd sida ibnubaaz ibnucuthaymiin  gaalaysiiyey, Makka iyo Madiinana u arka inay dhul gaalo yihiin

9- Qof isu arka inuu isagu islaamkii yahay oo waxa khatarta ku ahi  islaamkii khatar ku yihiin wixii isaga khilaafaana islaamki khilaafeen .

10-Qof isu arka inuu yahay kii ummadan badbaadinayay  oo laaantiis ay halaagsamayso jiritaankiisuna yahay jiritaanka ummada

Intaas oo  tilmaamoodna ku darsaday hanjabaad iyo cagajuglayn toos ah , tolow haddaanu  kaasi dilin waa yaabe yaa dilay ??

Haddiibase  ay dhacdo in midkaloo ayaan darani aafadan gaystay waxaan oran karaa waxay u  sahleen oo u abuureen jawi shaydaani ah oo culimada lagu dhiirankaro dilkoodana  lagu  fududaan karo . Waxay abuureen jawi lagu dhuuman karo oo ku raad gadan karo ,illayn wixii uu rabay oo
qudhgooyada ahayd qolo ku dikriyaysaaba usoo baxday oo waliba in ilaahay loogu  dhawaanayo ka dhigtay .

Suaasha iswaydiinta lihi waxay tahay culimooy iyo dadka khayrka jeceloow alamatara la soo dhaaftay ! dadka waaya aragga ahina in badanba waa arkayeen aafadan , laakiin  baroori waxba tari mayso ee maxaa idinla gudboon , miyaa lakala daadsanaan oo  ilko doofaar sahansan iyo bakayloow nin iyo burkaa  baa idinku dhaboobi  mise hanbada ummadan ka hadhay baa la daba  qaban .

Soomaaliga  wadaniga ah” noocuu doono ha noqdee ” ee naftiisii iyo dhulkiisiiba gabi ka  laadlaadaan maxaa la gudboon !.Wadaadka “ fikirkuu doono ha watee  ”  oo diintii oo lagu ciyaarayo ay u muuqato maxaa la gudboon !.Ma iskaashan  karaan tolow si ay ugu yaraan naftooda u caymiyaan cid kaleba yay wax tarine.

Wax ay wada  ilaaliyaan oo dan ka dhexaysa ah “Common interests “ ma jiri kartaa tolow. Waxaan  xasuusinayaa kuwa caruurta halaagaya oo fataawaad been ah siinayoow in idinka  laftiina fataawaadkaas la idiin isticmali doono goortay doon taba ha gaadho ee,  waana wax taariikhdu ina bartay . Waxaan kusoo
af meerayaa waxba tari mayso qof aad dhiigiisa shalay  banaysay inaad maanta ka tacsiyadayso ,nin  fiican buu ahaana aad ka daba tuurto amaba aad dhaahdo anigu gacanta ma  lahayn  .

Ummadan  dhiigeeda oo sida biyaha loo daadiyo , qaran nimadeedana la dafiro, haldoorkeedana la laayo, culimadeedana lagu been abuurto dhiigoodana la baneeyo  , jawaasiis iyo wadaad xumayaalna lagu sheego , masii socon ? mise waa laga  joogsan . Soomaalidu  waxay tidhahdaa macal cunee soo bixi doonee.

Ilaahow  khayrka na waafaji islaamnimadana nagu dil .

WQ: Sheekh cabdiraxmaan abyad
Abyad2@hotmail.com

Share in top social networks!