Published On: 9 December 2011 6:01 pm

Puntland waxaa maqan kaalintii ciidamada sirdoonka iyo tii shacabka

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay, kadibna dhammaan akhristayaasha sharafta lahow iga gudooma salaanta islaamka ah (ACWW).

Dhibaatooyinka soo noq noqday ee ah in la bar tilmaameedsado dadka wax ku oolka ah ee ka dhaq dhaqaaqaya bulshada dhexdeeda waxaa ugu wacan dhowr arimood oo isbiirsaday ayna ugu horeyso Kaalinta shicibka oo ka maqan meeshaa iyo maamulka aanan u diyaarin ciidamada loo yaqaano sirdoonka oo runtii waddan walba oo jira amnigiisa hormuud u ah.

Puntland alxamdulilaah wey leedahay waqtigan xaadirka ah ciidamo adag oo difaac ah, sidoo kale booliis fara baddana wey leedahay, laakiin Kaalinta intelligence ga ayaa meeshaa ka maqan sida aan filayno, waayo aad baa loo tabayaa kaalintooda. Dowladdu waxa ay aheyd in ay dad gaar ah arimahaas u tababarato oo waliba ay ku dhiiragaliso in ay qaadanayaan gunno fiican haddii ay si wanaagsan u shaqeeyaan. Dowladdii dhexe ee Soomaaliya Xilligii madaxweyne Siyaad Barre Allaha u naxariistee waxaa magaalada Xamar lagu arki jiray in ay ciidamada sirdoonka ay meel walbaa ku jireen oo ay ummad isugu timaado, haddi ay noqoto Ardayda, shaqaalaha, masaakiinta tuugsata, baarashlayaasha iyo cid walboo dhaqaaqda, taasaana keentay in magaaladii Muqudisho oo Soomaali oo idil ay isugu timid gacan bir ah lagu qabto.

Waxaa kaloo iyadana meeshaa ka maqan kaalintii shicibka reer Puntland oo iyagu la rabay in ay udubdhexaad u noqdaan nabadda iyo ammaanka Puntland. Waddamadan aynu joogno ee reer Galbeedka waxaad arkeysaa in shicibka ay ku baraarugsan yihiin waxa ka dhacaya agagaarkooda oo wax walboo ku cusub ee ku soo kordhaa waxa ay markiiba ku wargaliyaan hay’addaha dowladda gaar ahaan kuwa amniga qaabilsan. Xitaa guryaha laga maqan yahay muddo oo aan cidina galeyn wey ku wargaliyaan dowladda oo waa lala socdaa dhaqdhaqaaq kastaa. Waxaa mararka qaar cajiib ah in guryaha lagu sameeyo ganacsiga ay weydiiyaan dowladda in qofkaas uu ogolaansho heysto iyo in kale. Gaariga xaafadda ku soo kordhaa haddii ay ka shakiyaan sidoo kale wey wargaliyaan Booliiska.

Haddaba annaga maxaa ceynkaas inoo diiday. Waxyaalaha Puntland ka dhaca ee aadka looga naxo waxaa ka mid ah masaajid ay ku tukadeen in ka baddan 2 kun oo qofood amaba ka baddan in ay labo wiil madax usoo duubtaan oo lagu leeyahay wax bay dileen kadibna wey baxsadeen. Arintaas oo runtii caado ka noqotay dhammaan Puntland oo dhan. Haddaba arintaasi ma dadnima xumadeenaa mise waanan dan laga laheyn. Waxaan aaminsanahay ummadda reer Puntland gaar ahaan reer Boosaaso in aad wax baddan ka qaban kartaan arimahaas ee laakiin aadan u soo jeedin,laakiin ogow Soomaalidu horey bay waxa u tiri { Nin kheyrkii loo xiirayoow adna soo qoyso} Haddii aadan maanta target aadan aheyn adiga iyo ehelkaaga beritay gurigaaga soo galeysaa haddaadan ka gilgilan oo aadan ka hortagin.

Waxaan qormadeyda ku soo gabagabeynayaa dhammaan shicibka iyo maamulkaba in fadhiga laga kaco oo si wadajir ah loo wada shaqeeyo. Xaafaduhu ha isabaabulaan oo dhalinyarada waa in la howgaliyaa oo loo shaqeeyaa qaabka la yiraahdo (Nighbourhood watch) ama Ciidamo Madani hadba sida loo yaqaan iyadoo lala shaqeynayo ciidamada guud ee dowladda si foodo looga hortago. Sidoo kale dowladdu ha diyaariso tansiilaadki ay xaafadaha isku abaabuli lahaayeen oo haddii la heli karo meelaha qaar haloo raadiyo kamerooyin iwm. Dowladdu niyadda ha u dhisto dhalinyarada iyo dadka la shaqeynaya oo gunnooyin ha u qorto. Sidoo kale ganacsatadu wax  haka bixiyaan howlgaladan laga fulinyo xaafadaha oo iyaga ayeey dan ugu jirtaa. Ogoow inta nabadi jirtaa ganacsigaagana uu ku xiran yahay horumarkiisa. Waxaan kaloo ka digayaa in leyska ilaaliyo dulmiga oo aan la xadgudbin oo cid aan danbi lagu heyn lagu deg degin.

Bulsho isku xiran oo gacmaha is heysata Allaahna talo saarataa cid u babac dhigi kartaa ma jirto, laakiin kala daadsanaantaada iyo tafaraaruqaada ayaa laga faa’iidaysanyaa. Allaha naga dhigo kuwo u midooba ummaddaha cadowga ah ee nagu soo duulay.

Wabilaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje (Social Development Adviser )

Leicester UK.

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos