Shiikh.Cabdiraxmaan Abyad oo Muxaadarooyin ka bilaabi doona Masjid Al-Tawxiid
Shiikh C/raxmaan Abyad oo ka mid culumada iyo ducaada ku nool dalka Denmark ayaa muxaadarooyin musalsal ah ka bilaabi doona Masjidka Al-Tawxiid ee magaalada Copenhagan waxaana uu Sh. C/raxmaan Abyad uu cinwaan uga dhigay muxaadaraadkiisa.
. خطورة الفتاوى الحمراء في استباحة دم الناصحين من العلماء
Sheekh C/raxmaan Abyad Xafidahulaah ayaa muxaadaraad gaaraya ilaa 7 waxaa uu ku bidhaamiyey khatarta ka soo muuqta Soomaaliya iyo saxwada Islaamiga ee ka hana qaaday Soomaliya ka dib markii uu inxiraaf galay qaar ka mid ah dhalintii saxwada iyo kuwa sheeganaya in ay yihiin culumo.
Inxiraafka ka socda Soomaaliya iyo Fatwooyinka laga soo maanguuriyo dibada dalka Soomaaliya ayaa waxay sababeen in la dilo Dr Ahmed Xaji C/raxmaan iyo culumo kale oo macruuf ah oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Tahliil ,Sheekh Maxamed Muumin raximahulaah
Muxaadaraadka Sh C/raxmaan Abyad ayaa bilaaban doona hadii alle idmo maalinta Jimcaha oo ay bishu tahay 16-ilaa 19 bisha December 2011 Saacadu markay Tahay 17:Uk , Halgan .net ayaa u soo tabin doonta si maqal iyo muuqaal ah Muxaadaraadka Sheekh C/raxmaan Abyad hadii alle idmo.
Shiikh C/raxmaan Abyad ayaa muxaadarooyin silsilad ah uu horey uga jeedshay Masjidka Al-Towxiid ee magaalada Copenhagen ee caasimada dalka Denmark waxaana uu Shiikhu cinwaan uga dhigay kalimadiisa .جلسات في تعرية الغالي وقمع
الجاني Shiikh C/raxmaan Abyad ayaa waxaa uu muxaadaraadkiisa ku qaadaa dhigay Baraaruruga Islaamiga iyo Quluwiga soo dhexgalay ee khilaafsan Manhajka Ahlu Suna Waljamaca.
Sh C/raxmaan Abyad ayaa waxaa uu sheegay sidoo kale in muxaadarooyinka ay ku wajahan yihiin 4 kooxood oo umada islaamka ah ka
mid ah waxaana ka mid ah.
1-Dadka guud ee caamka ah ama (Dadweynaha) kuwaas oo aan uga digeyno buu yiri shiikh Cabdiraxmaan Abyad xadgudubka si aysan diin u moodin.
2-Qulaada ama kuwa xad gudbay kuwaasna muxaadarooyinka waxay u yihiin naseexo maadaama ay yihiin dad Muslimiin ah
hadday naseexada aqbali waay aana muxaadaraadka waxay u noqonayaan feydid si umada iskaga ilaaliso.
3-Mutaxamisiin waana qolooyinka ay iskaga khaldameen kheyrkii iyo xamaasadii taasna ay keentay in ay iska daba galaan
cidkasta oo wax cayda ama gaaley siisa muxaadaraadka waxay u noqon doonaan Tarshiidin ama hanuunin.
4 Dhalabtul Cilmi (Ardeyda ay wax un u bilaaban yihiin) iyagana waxay muxaada rooyinka u noqon doonaan tawjiihin iyo in ay
muraajaceeyaan qolooyinka uu Sh C/raxaam Abyad ka hadli dooni kuwaas oo hurmuud u ah xadgudubka saxwada ku jira.
Sh C/raxmaan Abyad ayaa waxaa uu tilmaamay calaamado lagu garto qolooyin ka xad gudbay waxaana ka mid ahaa calaamadihii uu Shiikh C/raxmaan Abyad sheegay.
1-In Qofka Baneysto Caayda qofka Muslinka ah.
2-Isqaadh Culumaa ama in saaxada laga saaro Culumada.
4-Qulu Fil Jihaad Jihaadka oo lagu xadgudbay.
5-Qusuur Fi Siyaasa Sharciya (iyaga oo aan Siyaasada Sharciga wax badan ka aqoon.
6-Rabdhul walaa walbaraa bil Ashkhaas(in naceybka iyo Jeceyla lagu xiro in aad raacdo rag gaar ah.)
7-Idlaaqaat Caama Bila Dawaabid (In erayo la iska tuuro aan laga fiirsan) sida Culumadu waa gaalo raac ,Jihaad bay diideen
iyo wax la mid ah.












