make music movie
Published On: 23 December 2011 2:29 pm

Nuur Axmed oo Digniin ka soo Saaray Shirka Khaatumo 2 (Dhagayso

Odayaasha iyo waxgaradka beesha Nuur Axmed ayaa ugu baaqay maleeshiyada beelaha Naaleye Axmed iyo jaamac Siyaad ee ay kala hogaaminayaan Axmed karaash iyo jaamac garaad Ismaaciil.

Cumar Xuseen Surey (Cumar Qaadi) oo ka mid ah waxgaradka beesha Nuur Axmed isla markaan ka mid ah gidiga xalinta dhibaatada soo kala gaadhay tolka Nuur Axmed ayaa daboolka qaaday in ay ciidamada dul jooga magaalada laga saaro.

Ciidamada Axmed karaash iyo kuwa Jaamac garaad ismaaciil iyo maleeshiaydii laascaanood keentay Somaliland ee Bahararsame ay dhamaantood ku biireen maleeshiyadii dishay marxuum Jamac cali Shire iyo Mubaarik Saalax Cali Shire   iyagoo ka jawaabyay codsi uu jeediyay caaqil Ismaaciil Maxamed Cali Koore oo habeeniamdii dilka dhacay dalbaday in loo soo hiiliyo.

Waxgaradka Nuur Axmed ee Taleex ku sugan ayaa ka digay in dagaal lagu hoobto uu ka dhacayo magaalada iyadoo uu dhawaan shaaciyay shariif Yaasin cali Shire in aysan jirin cid magaaladooda ku muquunin karta balse si tolnima ah u codsanayaan in culayska laga qaado.

Cumar Xuseen Surey waraysiga uu siiyay Taleex Media halkan ka roggo ama hoos toos uga dhagayso