Published On: 2 January 2012 6:04 pm

Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayo oo Taleex tegay

Waxaa magaalada Taleex gaaray wefti balaaran oo uu hogaaminayo Garaad Cabdi rashiid Garaad Ismaaciil.

Weftigan ayaa waxay ka kooban yihiin cuqaal iyo waxgarad badan oo kasoo jeeda Beesha Jaamac Siyaad.

Weftigan ayaa waxay ka kicitimeen magaalada Laascaanood iyadoo wata gaadiid kala duwan waxayna hada ku sugan yihiin Taleex.

Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil ayaa ah garaad beesha Jaamac Siyaad, inkastoo uu jiro wiil ka yar oo walaalkiis ah oo isna Garaadnimada dhinac ka sheegta. Garaad Cabdirashiid ayaa fadhigiisu yahay Magaalada Laascaanood, halka walaalkiisa garaadnimada ku haysta uu fadhiisu yahay Qurbaha.

Hada garaad cabdirashiid iyo Walaalkiis Jaamac waxay ku wada sugan yihiin Magaalada Taleex.

Displaying 2 Comments
Have Your Say
  1. geeda qarsay says:

    asc aniga waxay ilatahay ama say ahaan jirtay waxaa garaadka xaqa ah garaad cabdirashiid garaad ismaaciil ducaale marka dhinac walba laga eego ee wiilasha walaalaha ah dhulbahantoow hays kudiline kalasaara siday tahayna halookala saaro aniga ahaan cabdi ayaa leh xilkan labadoodaba aqoon igufilan waan u leeyahay jaamac siyaadna ma ihi

  2. hlimo says:

    maxaa jamac siyaad lagu kala saari doonaa malacag baa lasiin doonaa cabdi garaad mise jamac garaad baala oran doonaa lacagtaad qurbaha ka soo heshay kugu filane u daa garaadnimadiisa awalba xaqdaro ayaan kagu garab siinaye

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos