Xoogaga Taleex jooga Laascanood halagu xoreeyo
Muddo ayaa la naawilayey qabsoomidda shirka lagu kala aragtida duwan yahay ee “Khaatumo II” shirkaasoo kasoo bilaabmay magaalada London. Laga bilaabo ololihii qabsoomidda shirka London ilaa maanta oo Taleex la gebran yahay waxa muuqatay in talada gacanta ay ku hayeen in isku aragti ah oo aan talada wax uga ogolayn inta badan bulshada la rabo in xal loo helo arrimaheeda murugsan. In badan baa laysku dayey in wax laga beddelo qaabka ay kooxda G6 wax umaamulayaan oo taladu ahaato mid goonyaha laga wada fadhiisto oo laysla rogrogo habkii loo amba qaadi lahaa shirweynaha lagu ballamay in Taleex madashiisu noqotay. Hase yeeshee G6 dheg jalaq umay siin. Waxa weli muuqata in ergooyinka shirka imaanayaa aanay sugnayn, raas walbaana ergooyin iska soo horjeeda madasha ka joogaan. Halka reeraha qaarna ay xitaa Isimmo iska soo horjeedaa madasha ka joogaan.
Sida la sheegayo waxa soo buux dhaafiyey magaalada Taleex hub iyo rag xad dhaafa . Waxa weheliya tirada gawaadhida dagaalka oo kor udhaafaya 50 . Waxa weheliya qoryaha fudud oo iyagu xad dhaafa .Dad badan ayaa is weydiinaya sidee shirka loo badbaadin karaa? Sidee Dhulbahantena hadafkiisii ahaa xorayn iyo midayn ugaadhi kara?Sideese lagu hubin karaa in G6 ay daacad ka yihiin dib usoo celinta Laascanood iyo degaanada kale ee gacanta Soomaalidiidka ku jira? Haddaba miyaan caqliga saliimka ahi ina siinayn in laga faa’iidaysto xooggaa iyo hubkaa xad-dhaafka ah ee maanta goob keliya kuwada sugan inaynu ujihayno xaggaa iyo magaalada Laascaanood oo ay muddo afar sannadood ah xoog ku haysteen xooggaga goonnigoosatada Soomaalidiidku. Aniga waxay ila tahay intaan shirba dhicin xoogagaa hala mideeyo oo haloo diyaar gareeyo duullaan ka dhan ah Soomaalidiidka oo Laascaanood halagu xoreeyo. Markaa ka bacdina shirka Laascaanood halagu qabto. Ninkii xorayntaa hormuudka ka noqdana talada haloogu cumaamado isagoo guul soo hooyey. Sidani aniga aragtidayda waa sida lagu gaadhi karo hadafkeennii ahaa “midayn iyo xorayn, shirkuna ku noqon lahaa midho dhal, G6 lagu ogaan lahaa inaanay dan gaar ah ka lahayn shirkan Khaatumo II.
Waxaan kusoo geba gebaynayaa dadka Dhulbahante maanta waxa ugu weyn ee midayn karaa waa iyagoo degaannadooda ka xoraysta Soomaalidiidka. Odayada shirka soo abaabulay (G6) hadday ka dhab tahay inuu hadafkoodu ahaa sidii loosoo celin lahaa “sharaftii iyo karaamadii Dhulbahante” siday marar badan ku celceliyeen waxaan kula talin lahaa inay xoogaggaa Taleex isugu soo ururay ka faa’iidaystaan oo ujiheeyaan xaggaa iyo Laascaanood. Weliba aanay qurbihii dib ugu noqone udhabar adaygaan muddada laga xoraynayo Laascaanood oo dadkooda dhibka la qaybsadaan.
Waxaan kusoo afmeeray ninkii Laascaanood xoreeyaa na xukumaya. G6 iyo qolyaha u’ololeeya ee gacan yarayaasha u ah waxaan odhan lahaa:-
Haddii xorayni idin ka dhab tahay xagga Laascaanood xabad urida.
Haddaad xukun rabtaan xaqbaad uleedihiine xoreeya Laascaanood.
Nin baa laga sheegay” hadduu burur kaa dhab yahay billaawaha dhiig uyeel”
M. Ibrahim
dalmarbilaal@yahoo.com









