Isimada Dhulbahante oo ka biya diiday qaabka shirka Taleex ku bilawday
Qaar ka mid ah ismida Dhulbahante ee ku sugan magaalada Taariikhiga Ee Taleex ayaa hoosta ka xariiqay in shirka saaka sida jujuubka ah lagu furay ay hordhac u tahay sida aan loo doonayn in wax miro dhal ah ka soo baxaan shirkaan,
Khilaafka isimada iyo kooxda G6 ayaa cirka isku sii shareeray iyadoo kooxda shirka wadata ay ku dhawaaqeen inay dadka ay soo casumeen ku filan yihiin isla markaana aan loo baahnayn cid kale taasoo u muuqata talo maroorsigii abid ka dhacay Deegaanada dhulbahante.
Shirkan oo dadweynaha manadaqada gaar ahaan qurba joogtu majarihiisa haysato ayaan la ogayn ujeedada rasmiga ah ee Cali Khaliif iyo Cali Ciisa Cabdi ka leeyihiin, waxaase dadka siyaasada adaroosa ay sheegeen in raga aynu kor ku xusnay ay wataan qorshe danhooda ah balse aysan jirin dan dadweyne oo labadan oday ay maanta shacabka u hayaan.
Qaar ka mid ah Isimada Dhulbahante ee ku sugan magaalada Taleex ayaa shacabka u sheegay inay si mug leh ula socdaan ajandaha qorshayaasha xambaarsan ee G6 isla markaan la iska ilaaliyo laab la kaca











ASC
Shirka Khayaano2 waxaa ka soo bixi doona dhow arimood oo ay ka mid yihiin, Laba Cali oo wixii sumcad u hadhsanaa ku waaya, dib u dhac ku yimaada xoraynta SSC, dadkoo mudo sii wareersanaada, Soomaali weyn oo inala yaabta, Soomaalidiidka oo ku farxa taladaa xumaatay, intaa waxaa ka dambayn doona laba arimood midkood tan hore waa Puntland oo isa saxda dalkana soo celisa haday taasi dhiciwydona, waa Dhulbahantoo si xalaal ah u tashada……intaa waxaan ku darayaa hadalkaas ilaahay ha inoo sahlo.
Waxaan Aaminsanahay in shirkaasi ku danbayn doono inuu kala jabiyo beesha Dhulbahante oo aan markii hore isku fiicnayn waxa meesha ka muuqdaa waa qoloda dhulbahante ee reer hawdka ah laakiin reer nugaal waxay ku jiraan labada maamul ee somaliland iyo putland markaa waa mid la yaab leh sida ay uga maqanyihiin siyaasiyiinta joogta hargeisa iyo garoowe oo farabadan oo ay ka kaw yihiin cabdisamad cali shire iyo axmed cabdi xaabsade
Sida wax ku socdaan maahan si quman ee waa anaa iri. Garaad Binti iyo nimanka uu dabada kuwataa waa afduubayaal bulshada masaakiinta ah.
Labo Cali saaxiibayaal waa la idinka dheregsan yahay, waxaa la iddinka baahan yahay xuraynta dhula maqan ee looma baahna maamul isku mashquulin, maxaase laga yiri dhibaatadii Taleex ka dhacday, ee aad idinku ka masuulka ahaydeen!!!
ma rabno g6 iyo bahararsame in ay noo talyaan
Hubka maanta yaala Taleex ooka badan 50 Tiknika ah, iyo lacagta maalintii ku baxda shirka ayaa xoreysa Lasanod. Hadii Lascanood Xorowdo, inta kalena la haysan karo.Dhulbahantee intaas ha garto Illaheyna ha waafajiyo, walaahowga G6 wadana ha laga maarmo.Ninkii G6 dabagala ciil ka bixi maayo.
WAAD SALAAMANTIHIIN WAXAN FILAYAA MAANTA DHULBAHANTE WAY UU DHAMAATAY MAR HADII LABA CALI YIMADEEN SHIRKA WAXAY ILATAHAY IN AAN WAXABA OO LIN EE HALAGA HAWLYAREYSTO .WIXIIN DHULBAHANTE DOONAYEY KA SOO BIXI MAYAAN KAN
Ma hadhin hadal la is yiraahdaa, khudbadii Cali Khaliif ayaa timaantey hadafka G6. Waxuu cadeeyey in hadafka shirku aanu ahayn sidii looga tashan lahaa xoreynta dalka Gumeysigu haysto. Waxa Cali Khaliif ku hadley waa DIGASH REER GAAR AH LOO JEEDO.Taasuna ma soconeyso. G6 arrintoodu waa faashil, ee dhulbahante weyne ha tashado marka G6 ka huleesho Taleex
salaan dabadeed laba cali shaqaa u diyaarsan oo wasiiro baa laga dhigayaa miyey daan ogayn kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
alaa wixii dhig law kaca oo kaca oo laas-caano doona, shirku ha ii danbeeye…….
anigu waxaan qabaa wixii kasoo baxaa shirkaasi inuu yahay ma dhalays. kolkaa maadaama aanay isimada iyo madax dhaqameedku u madax banaaneen. oo ay shirkaba ay maroorsadeen niman dibad meer ahi oo aan haynin danta beesha se uun wataan dantooda iyo fikirkooda. rabaana inay dadka ku qasbaan fikirkooda. saas darteed wixii meesha kasoo baxaa waa madhalays. waxaana awoodii qaatay rag sheegta aqoonyahan iyo siyaasiyiin baa maroorsaday taladii beesha dhulbahante. lalama tashan maamulada dhinaca ka kala xiga ee somaliland iyo puntland toona. isimadiina waa laga maroorsaday taladii beesha saas darteed shirkaasi waa fashilmay wax loo dhan yahay mahan waana la majarahabaabiyay qorshihiisii. waxa kasoo baxaana waa in la laalaa.
waxaan leeyahay beesha maxamuud garaad mushkulada dhextaal horta hala xaliyo ,mida kale beesha bah ararsame iyoi jaamac siyaad timo hoodo dhan haw xiirmeen
Anigu maangaran waxa furmay haddaanay odayddiiba raali ka ahayn. Laba Cali meel aynaan rabin ma inoo jiidi karaan?. Shir aanu ajendihiisu cadayn waa biyo murug leh, caafimaadna lagama qaado Allow sahal!!!!!!.
sxb anigu waxaan aaminsanahayin meesha aanay waxba ka soo baxay waayo labadii maamul ee somaliland iyo puntland midna ma joogto sidaa daraadeed dee way inagu maqan yihiin dhulbahantane waa kala raacsan yahay ssc halkan bay taagantahay nsum iyna halgankeedii nway taagan yahay marka isimadii waa kuwan oo khilaaf baa soo kaldhexgay iyga iyo g6 sxb alow sahal