Laba Isim oo ka hadlay xoraynta Laascaanood oo la aflagaadeeyay (Cod)
Garaad Abshir Saalax iyo Boqor Cabdilaahi Cali Axmed oo ahaa labada isim ee kulankii shalay (07-01-2012) soo hadal qaaday xoraynta Laascaanood ayaa labadiiba si badheeh ah waxaa loogu qaaday duulaan iyadoo Boqor Cabdilaahi hadalkiiba laga joojiyay.
Kulankii shalay ka dhacay madasha shirka Khaatumo 2 ee Taleex oo ay isku yimaadeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa laga oo jeediyay khudbada kala duwan.
Dadkii ka hadlay kulankaasi ayaa u badanaan ka hadalka maamul la sameeyo xiligan iyadoo uu Cabdikariim Jaamac oo aan waligii arag gobolada Waqooyiga Soomaaliya ee ay SSC ka mid yihiin sheegay in ay doonayaan in shirka ay ka soo baxdo maamul ay caalamka wax kaga helaan.
Laba isim oo miisaan ku leh bulshada Dhulbahante oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulankaasi ayaa buuq iyo qaylo iyo hadalo aflagaado ah lagu sameeyay markii ay ka hadleen in dhulbahante maanta u baahan yahay in uu iska kiciyo cadwga caasimadiisa haysta ee doonaya in ay Soomaali ka go’aan.
Garaad Abshir Saalax ayaa ku dheeraaday in aysan jirin wax uu dhulbahante isku hayo, Garaadku waxaa uuka sheekeeyay habkii ay us ameeyeen hogaankii xoraynta iyo midnimada loo igmaday iyo sida aan hadafkaasi loo fulin.
Waxaa kaloo uu Garaadku ka hadlay in dhibaatada dhulbahante dhibaatada haysata ay tahay hayasashada dhulkoodii la haysto.
Garaadka oo aan soo hadal qaadin in xiligan dawlad la dhiso balse carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay dhulka la haysto la xoreeyo oo cadwga laga kiciyo ayaa waxaa buuq ku furay nin lagu magacaabo Cali Maraykan oo ay iksu reer yihiin Cali Khaliif Galaydh balse uu gaashaanka u daruuray garaadku.
Sidoo kale markasta oo uu ku si dheeraado erayada ka dhanka ah maamulka la baxay Somaliland ayaa waxa soo dhinac istaaga ninka xidhiidhanaya mikirafoonka oo garadaka ku odanayey soo gaabi hadalka ninkaasi oo ah afhayeenka kooxda G6 ee Taleex bal taariikhdisa dhaw halkan ka daawo.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Sidoo kale Boqor Cabdilaahi Axmed Cali oo isna ka hadlay xoraynta Laascaanood ayaa waxa alagu furay qaylo iyo aflagaado taaso meel ku dhac ku ah dhaqanka Soomaaliyeed.
Boqorka ayaa waxaa uu sheegay in nimanka haysta Laascaanood ay isku duuban yihiin oo beesha Dirta Waqooyi u wada dhan yihiin aan laga maarmaynin in maamulka Puntland haddii ayuu yiri la doonayo soo celinta ilaa Lebi Gaatamo.
Khudbadii Boqor Cabdilaahi halkan ka roggo ama hoos toos uga dhagayso.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.











Walaahi waa cajiib arintaan waayo hadaan laascaanod looga hadlayn muxuu soo korddhin shirku,
shirkaan wuxuu noqonayaa kii dhulbahante sii kala fogeyn lahaa hadan arinta laascaanod meel cad la iska taagin.
Hal godlasho diideysaa geed ay ku xoqato ma weydo. G6 naflacaari ayaa haysta, wixii ay wateen wax ka duwan baa ku soo baxey.ha ilowdo G6 warqad ay ula tagaan Sh.Sharif oo ah gobol ay ku dawarsadaan, sidii uu sheegey wilkii Xamar ka soo huleeley markii uu wayey Wasiir.Nin aan dalkaba aqooni maxuu ku doonayaa Maxaxnimo.Duo Ali darajada u hilaacdey iyo damaca beenta ha iska i laabeen candhooftana dib ha u laqeen.Dhulbahante sidaa looma hodo, balantii aad soo qaadeen liqa.Dhulbahante ka weyn dada lagu iibsado lacag, taasu waatii Alle ha u naxariitee Cali Garad Jamac ku waayey Mansabkii Dawladnimo.Waxaanu ognahey inaad shirka rabtaan inaad u fasaxdaan dad aad warqado siiseen, inta kalena aad albaabada ka xirataan, oo aad food qaadaan. ha ku riyoonina taasu waa habeen dumeye.