make music movie
Published On: 15 January 2012 9:55 am

Buuhoodle: Shacabka oo guul ka soo hooyay difaaca dalkooda

Share in top social networks!

Live Text Closed

>> 8 ka mid ah maleeshiyada Mahad Cabaashe oo ku biiray ciidan beeleedka Tukaraq

>> Inna Weji wuxuu ka mid ahaa booliska Laascaanood kuwaaso xalay laga soo qaaday Laascaanood wuxuuna watay gaadhi kuwa booliska ah iyo ciidankiisii oo uu ula galay gelinkii dmabe ee maanta shacabka Buuhoodle.

>> Magaalada Taleex ayaa looga diyaar garoobayaa doorashada madaxweyne halka shacabka Buuhoodle uu gabalka ugu dhacay difaac aan loo kala hadhin rag iyo dumar taaso ilaa hadana ma jirto waxtar uga yimi dhinaca reer  Nugaaleedka

>> Ciidamo ka soo jeeda beesha Jaamac siyaad oo uu watay ninka lagu magacaabo Inna Waji ayaa isu soo dhiibay shacabaka Buuhoodle, kuwaaso saaka la socda ciidamada Isaaqa

>> Dawlada Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay ka qayb gasho dagaalka Buuhoodle ee lagu difaacayo qadiyada midnimada dalka, halkan ka akhriso 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

>> Garaad Saleebaan oo ku baaqay in lagu shahiido maleeshiyada Isaaq

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

>> Garaadada Dhulbahante oo ku dhawaaqay in la isak difaaco maleeshiyada beesha Isaaq

>>  Tiknikadii reer Buuhoodle ee Taleex taalay oo u soo shiraacatay dhinaca Buuhoodle, ergooyinkii reer Buuhoodle oo iyana isaga soo baxay shirka Khaatumo

>> Axmed Cabdi Xaabsade oo ku faanay in uu jabiyay shacabkii Buuhoodle, Xaabsade waxaa ay isku reer yihiin galaydh dhawaana waxaa uu kulan kula qaatay Saaxdheer garaadka beeshiisa

>> Maleeshiyada hargeysa oo lagu hareerayay gudaha Buuhoodle ka dibna diriq uga baxsaday iyadioo ay hada ka dhacayso xabadu agagaarka Shangale

>> Qasaaraha soo gaadhay shacabaka Buuhoodle oo yar ilaa hada waxa la xaqiijiyay dhaimashada Seddex qof

>> Maleeshiyada Siilaanyo oo meydadkoodii kaag cararay gudaha magaalada Buuhoodle

>> Guud ahaan magaalada Buuhoodle ayaa dib ugu soo laabatay gacanta shacabaka Buuhoodle

>> Gurmad Baaxad weyn oo soo gaadhay Shacabka Buuhoodle

>> Maleeshiyada SNM oo madaafiic ka soo ridaya halka loo yaqaano Qudha Buuhoodle

>> Shacabka Buuhoodle oo iska caabiyay SNM

>> Goobo ka mid ah Buuhoodle oo la gubay, magaalada ooq ax ka bilawday

>> G6 oo mikirafoon la dhexmaraysa Taleex iyagoo ku qaylinaya “waa been Buuhoodle lama qabsan”

>> Laba masuul oo ka tirsan G6 oo ku sii socda Berbera xili Buuhoodle SNM soo gashay kuwaaso kala ah Jaamac Abshir iyo Cali Xaaji Cige, waxaana ay markhaati ka noqon in uu jiro xiriir ka dhaxeeya SNM iyo G6 kaaso lagu shirqoolayo shacabka SSC.

>> Dadka shacabaka ayaa ku doodaya in shirka Taleex ee loo waariday hubkii iyo ciidankii difaaci jiray Buuhoodle uu aaha shirqool waxaana ay masuuliyada dusha uga tuureen xubnaha G6.

>> Shacabka Buuhoodle oo si nafhurid ah isaga difaacaya huwanta Isaaq xili ciidankii iyo hubkii Cayn xoogiisu ku maqan yahay Taleex.

>> Shacabka Buuhoodle oo dib ula wareegay gacan ku haynta magaalada

>> Gudaha magaalada waxa aka socota is rasaasayn aad u culus oo dhaxaysa shacabka Buuhoodle iyo maleeshiyda SNM.

_____________________________________________________________

Magaala madaxad gobolka Cayn ayaa waxaa saaka ay u gacan gashay maleeshiyada Jabhada SNM.

Wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in ay maleeshiyaadka SNM ee ay ka soo weerareen magaalada dhinaca koonfureed ee Xadhadhanka.

Hogaamiyaha Jabhada SNM ayaa shalay daboolka ka qaaday in uu ka jawaabi doono go’aamadii Taleex.

Ciidamadii difiici jiray magaalada Buuhoodle ayaa ku maqan dhinaca Taleex oo uu ka socdo shirka beesha .

Share in top social networks!