G6 iyo 5 isim oo Itoobiya u ambabaxay
Odayaasha la baxay G6 ama laba cali oo ay wehliyaan shan ka mid ah isimada beesha Dhulbahante ayaa ka baxay magaalada Taleex iyagoo ku sii jeeda dalka Itoobiya.
Safarkoodan oo ah mid dhinaca dhulka ah ayaa ku marayaan degaamada kililka shanaaad ee dalka Itoobiya.
Waxaa safarka ku wehliya isimada kala ah:-
1- Garaadka Beesha Bahararsame, Garaad Jaamac Garaad Cali
2- Ugaaska Beesha Xasan Ugaas, Ugaas Cabdilaahi Ciise
3- Garaadka Beesha Yaxye, Garaad Saleebaan Buraale
4- Garaadka Beesha Cumar wacays, Garaad Cabdisalaan Xasan
5- Garaadka beesha Wacays Cabdulle, Garaad Maxamuud Cismaan
Dhinaca odayasha G6 waa laba masuul oo kala ah:-
1- Cali Khaliif Galaydh
2- Cali Ciise Cabdi
G6 ayaa sheegtay in isimadu casuumad ka heleen madaxweynaha dawlad deegaanka Sismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.
Dhinaca kale warar hoose ayaa sheegaya ka dib markii ay G6 ku adkaatay in ay helaan saxiixa dhamaan garaadada oo dhan ay go’aansadeen in ay shanta isim ee raacay hor geeyaan xukuumada Itoobiya si ay ugu cadeeyaan in beehsu maamul samaysatay.
Warar aan la hubina waxa ay sheegayaan in Isimada loo kaxay doono ka dib safarka Itoobiya dhinaca magaalada Muqdisho si ay ula kulmaan madaxweynaha dawlada kumeel gaarka Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.










