Dil ka dhacay Buuhoodle ka dib isku day lagu doonayay in lagu soo dhaweeyo G6
Hal qof ayaa dhintay laba kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib amrkii dad u badan dumar iyo caruur ay damceen in ay sameeyaan baanbax lagu soo dhaweynayo odayaasha la baxay G6.
Ciidamada amaanka Buuhoodle ayaa ku amray dadkii isu soo baxay ina ay kala dareeraan hase ahaate waxaa ka dhex dilaacay rabshado taaso sababtay in ciidamdu rasaas furaan taas oo ku dhintay hal qof laba kalana ku dhawaacmeen. Dadkii isu soo baxay ayaa kala yaacay guryahoodiina dib ugu laabtay.
Shilkan ayaa yimi maalin ka dib markii mid kan la mid ah uu ka dhacay magaalada Widhwidh halaas oo ay ku dhimatay gabdh ka dib markii dablay ay rasaas ku fureen dad soo dhaweeynay xubin ka mid ah maamulka Taleex laga dhawaaqay.
Kooxda G6 oo aan horay u iman magaalada Buuhoodle maadama y markii ay dalka galayeen ay ka talaabeen dhinaca Saaxdheer ayaan la ogayn in ay ku soo dhiiran doonaan Buuhoodle ka dib shilka maanta dhacay.










