Dhagayso jabkii maleeshiyada Somaliland ka raacay Buuhoodle (Cod sir ah)

Qaar ka mid ah maxaabiistii Somaliland laga qabtay
Dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Buuhoodle waxaa uu jab weyn ka soo gaadhay maleeshiyada Siilaanyo ee duulaanka ku soo qaaday shacabka gobolka Cayn kuwaaso doonayay in ay qabsadaan magaalada Buuhoodle.
Dhimashada soo gaadhay maleeshiyada maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa kor u dhaafaysa ilaa 100 sida ay qireen dad ehel la ah maleeshiyadaasi.
Waxaan halkan ku soo gudbinaynaa xog hoose oo dhexmartay laba qof oo midi ku sugan tahay magaalada Burco taaso u waramaysa nin ka soo wacay debeda oo isaga dhigay in uu Isaaq yahay hase ahaate ahaa nin xog doon ah.
Gabadha oo si daacad ah u waramaysa kana hadlaysa jabka maleeshiyada Siilaanyo gaadhay halkan ka roggo ama hoos toos uga dhagayso.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.










