Dukumenti sharaxaya ajandaha shirka London (qaybtii 1aad)
Sidii ay shabakada Taleex Media horay idiinku balan qaaday waxaan idiin soo gudbinayanaa qaybtii u horaysay qoraalo ku saabsan shirka London ee Soomaalida.
Qoraaladan ayaa faahfaahinaya ajandayaasha shirka iyo natiijooyinka shirka laga filayo in ay ka soo baxaan.
Qoraaladan waa kuwa laga helay xubno ka tirsanw asaarada arimaha dibada dalka Britain.
Hadaba waxaan halka ku soo gudbinayanaa qaybtii u horaysay ee qoraalada gaar ahaan warqada loo diray xubno ka mid ah dawladaha loo gudb iyay ajandayaasha shirka.
Qaybaha dambe ayaan ku soo bandhigi doonaa ajandayaasha oo faahfaahsan iyo go’aamada hordhaca ah ee ay dawlada UK diyaarisay.
Warqadii oo turjumban halkan ka akhriso
UK waxaa ay rumaysan tahay in ay jiraan fursado waqti xaadirkan lagu xalin karo sababaha dhaliya xasilooni darada Soomaaliya . Waxaan u baahanahay in beesha caalamku u soo jeesato diiradana saarto talaabooyin taageeraya oo dhisa hormarka laga sameeyo gudaha.
Sababahan dartood, waxaanu ku marti qaadnay shirka London ee 23 February ee uu marti geliyay raysal wasaaraha Ingiriiska saaxiibo caalami ah oo muhiim ah. Waxaa looga hadli doonaa sidii beesha caalamku u taageeri lahayd dedaalka nabada iyo xasiloonida Soomaaliya si wax tar leh, ee ay hogaaminayaan saaxiibadeena Afrikaanka iyo Qaramada Midoobay.
Tan iyo markii lagu dhawaaqay shirka, waxaanu qabanay tiro kulamo wada tashi ah. Fariimihii ka soo baxay iyo go’aamada hordhaca ah halkan ayaan ku lifaaqay. Sidoo kale waxaan ku soo lifaaqay waraaqo qoraalo kooban oo xul ah kuwaaso ah (Non papers) waxaana laga helayaa fikrado badan oo ku saabasan arimo kala duwan. Tanina waa ajanda lagu guulaysan karo. Saaxiibo badan ayaa soo jeediyay fikrada ah iskaashi dhexmara laba ama seddex inaga mid ah in ay dhaqaajiyaan hormarka laga gaadhay meelaha qaarkood, laga yaabee uu soo waramida shirka London balse leh door hogaamin oo sii jira. Waxaan soo dhaweynayaa fikrada kale oo dheeraad ah ma talooyin ku saabsan arinkan.
Si aan arinkan uga wada hadalno una dhagaysto su’aalaha iyo jawaabaha aad ka qabto shirka ama go’aamada hordhaca ah, Waxaan si diiran ugu marti qaadayaa adiga ama cid wakiil kaa ah kulan maalinta Talaadada 10ka bisha January 2012 saacadu 10:30 goobtuna tahay Serena Hotel.
Waxaan soo dhaweynaynaa fikradahaaga iyo aragtidaada.
Fadlan wargeli saaxiibaday , Julie Palmer haddii adiga ama wakiilkaaga aad diyaar u tahay in aad kulankaa ka soo qayb galayso. Waxaan rajaynayaa in aynu is aragno 10ka January.
Halkan ka akhriso warqadii oo English ah











