Published On: 1 February 2012 9:09 pm

Go’aamada shirka London ka soo bixi doona (Qoraal sir ah)

Waxaan halkan ku soo gudbinaynaa qaybtii labaad ee qoraalo sir ah oo ku saabsan shirka London ee Soomaalida loo qabanayo 23 bishan Februray.

Qaybtan oo ah dood dhexmartay dawlada UK iyo dawlada saaxiibadeed ah oo arimaha Soomaaliya daneeya iyo go’aamadii ay isla qaateen in shirka London ka soo baxaan.

Qoraala dambe waxaan ku soo bandhigi doonaan ujeedada dawlada UK u qabanayso shirka Soomaalida iyo faa’iidada ugu jirta UK.

** Fiiro gaar ah :- Waxaad aad u akhrisaa qodobka todobaad ee ajandaha shirka London kaaso ka hadlaya in dalka Soomaaliya laga hirgaliyo maamulo yaryar oo ay beesha caalamka toos ula xidhiidho deeqdana toos u siiso.

Qodabka todobaad ee ajandaha oo aan soo turjunay hoos ka akhriso.

7- Xasilinta Degaamada

Qodobada muhiimka ee la isla soo qaaday waxaa ka mid ah:

-  In badan oo inaga mid ah waxaa aynu siinaa taageero maamul goboleedyo Soomaaliya ka mid ah inkastoo uusan jirin heshiis dhexdeena ah oo ku saabsan halkii aynu diirada saari lahayn.

-  In badan oo ka mid ah maamul goboleedyada waxaa ay jeclaan lahaayeen wada shaqayn wanaagsan.

-  Deeqa fara badan oo la siiyo maamul goboleedyada waxa ay taageeraysaa xasiloonida degaanka taaso wax tar u noqon karta sidii loo daadejin lahaa dhaqaalaha laguna hormarin karo wada sahqaynta.

-  Waa muhiim in aynu yeelano hal hadaf oo ku aadabn dhinaca taageerada.

Qaar ka mid ah go’aamadii waxaa ka mid ah in shirka London uu diirada saaro:-

-  Heshiis heer caalami ah si loo bilaabo xoojinta xasiloonida maamul goboleedyada; Hadaf mideysan oo dhinaca tagaeerada ah; iyo heshiis ku saabsan sida ugu wanaagsan ee aynu u qaybin karno dedaalkeena marka lag eego dhinaca juquraafiga.

-  Iyo badinta deeqda dhinaca maamul goboleedyada iyadoo wada shaqayni ay jirto.

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos