Published On: 1 February 2012 11:15 pm

UNHCR oo warbixin been ah ka diyaarisay dagaalkii Buuhoodle (Qoraal Sir ah)

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee magaceeda loo soo gabaiyo UNHCR gaar ahaan laanta lagu magacaabo IASC Somalia Protection  Monitoring Network (PMN) oo qabaislan uruurinta xogta colaadaha dalka Soomaaliya.

Warbixintan ayaa soo baxday 27kii bishii January waxaa ay ka hadlaysaa dhamaan dalka Soomaaliya wixii ka dhacay todobaadkii ka horeeyay xiliga warbixinta la diyaariyay.

Warbixintan waxaa lagu bilaabay duulaankii dhawaan maleeshiiyada Siilaanyo ku soo qaaday Buuhoodle halkaas oo ay dad rayid ah oo u badan caruur iyo waayeel ku laayeen hase ahaate warbixintu waxaa ay u dhigtay duulaankaasi in uu ahaa isku dhac maleeshiyo beeleedka Dhulbahante iyo maamulka Somaliland taaso muujinaysa in bilawgiiba warbixintu u xaglisa dhinaca beesha Isaaq.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in dadka ku barakacaya duyulaankii Maleeshiyada Siilaanyo ku soo qaadeen Buuhoodle ay dhan yihiin tiro ahaan kun iyo Boqol (1,100) qof oo sagaal boqol (900) ka mid ah ay dib ugu soo laabteen tuulooyinkodii.

Warbixintan waxaa ay garab martay xaqiiqda ka jirta gobolka Cayn gaar ahaan dhinaca dadka ku barakacay duulaankii maleeshiyada Siilaanyo ee Buuhoodle oo dhan afar kun todobo boqol iyo konton (4,750) qof kuwaaso aan ilaa hada ka baqan guryahoodii sababtoo ah xiisadii dagaalka oo wali aloosan.

Warbixintan ayaa sidoo kale been cad lagaga sheegay tirada shacabkii lagu dilay duulaankii Siilanayo ee Buuhoodle, waxaana ay sheegtay in ay ku dhinteen shan qof oo rayid ah kuna dhaawacmeen 13 kale  taaso ka fog xaqiiqda dhabta ah.

Sida la wada og yahay waxaa duulaankii Siilaanyo ku soo qaaday Buuhoodle lagu dilay 28 qof oo rayid ah laguna dhaawacay 21 qof oo u badan waayeel iyo caruur oo ay ka mid yihiin wiil yar oo jira 2 sano iyo gabadh 3 sano jir ah iyo hooyadood.

Warbixintan waxaa diyaariyay dad u shaqeeya hay’ada UNHCR waxaana ay ka dambyasay ka dib markii dhawaan loo gudbiyay warbixin taabanaysa xaqiida dhabta ah ee dhibaatadii ka dhalatay duulaankii Siilaanyo ku soo qaaday shacabka Buuhoodle.

Hadaba warbixinta UNHCR oo aan turjumnay qaybta quseysa gobolka Cayn hoos ka akhriso.

Mudadii lagu guda jiray warbixinta, dagaalo ayaa dib u soo cusboonaaday oo u dhexeeya maleeshi beeleedka SSC, oo uu dhulbahante ku jiro iyo ciidamada Somaliland. Dagaalka ayaa sababay qasaaro soo gaadhay tiro shacab ah iyo in ka badan 2,000 ku barakaceen. Warbixin ayaa tilmaamaysa in qiyaastii 1,100 qof ay ku barakaceen tuulooyin kala duwan oo ku yaala Buuhoodle gudaheeda oo ay ka mid yihiin, Xamar-Lagu-Xidh, Bali Cad, Dan-Dan,Goonle, Coodanle , halka 900 oo qofna ay ka talaabeen xuduuda iyagoo gudaha u galay Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, inta badan dadkii, gaar ahaan kuwii ka taalaabay xuduuda waxaa ay dib ugu soo laabteen tuulooyinkoodii goor dambe. Wada hadalo nabadeed ayaa hada ka socda gudaha Buuhoodle oon ay wadaan odayaasha iyo culimada.

  1. • Hal qof oo rayid ah ayaa lagu dilay laba kalana waa lagu dhaawacay Dhiif oo ka tirsan magaalada Widhwidh, ee degmada Buuhoodle mar ay booliska Somaliland rasaas ku fureen koox dad ah oo ku mudaaharaadayay maamulka Somaliland ee aagaasi. (15kii January)
  2. • Ugu yaraan shan qof ayaa dhintay 13 kalana waa lagu dhaawacay mar uu dagaal ka dhex qarxay miliishiyada SSC iyo ciidamada Somaliland gudaha degmada Buuhoodle. (25kii January)

Halkan ka akhriso Warbixinta oo English ah gaar ahaan inta Buuhoodle quseysa oo aan soo qaadanay

Taleex Media
info@taleex.net 

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos