Published On: 3 February 2012 12:38 am

Culimada Buuhoodle: “Waa jihaad dagaalka qofkii ku dhintana waa shahiiday” (Cod)

Qaar kamid ah culimada diinta ee magaaladda Buuhoodle ayaa bayaan ay maanta soo saareen kaga hadlay dagaaladii dhowaan ka dhacay gobolka Cayn iyo xiisadaha colaadeed ee hada ka taagan gobolkaasi.

Shiikh  Saleebaan Maxamuud Jaamac ayaa ugu horayn saxaafadda la hadlay waxaana uu sheegay in loo baahan yahay joojinta dhiiga daadanaya islamarkaana la garwaaqsado inaan dagaal dan kujirin diinta islaamkuna ogolayn

Shiikhu waxaa uu sharaxay waxa ay shareecada islaamku ka qabto duulaanka Buuhoodle ay ku soo qaadeen maleeshiyada Siilaanyo.

Waxaana uu sheegay in shareecada aan cidna looga baqaynin  dagaalkuna uu yahay gardaro reerka lagu soo duulayo ee Buuhoodle-na ay xaq u lee yhiin in ay is difaacaan oo Jihaad u banaan yahay qofkii ka dhintana uu yahay shahiid.

Shiikh Maxamuud Yuusuf Dhuux & Sh Cabdicasiis Yuusuf  ayaa sidoo kale  halkaasi ka hadlay waxaana uu wax ka bayaamiyeen sida diinta islaamku u xaaraamaysay dagaal iyo in duulaan la isku qaado.

Culimadu waxa ay fariin gaar ah u direen culimada beesha Isaaqa oo ay ugu baaqeen sababta ay xaqa uga gabanayaan oo ay uga baqayaan maamulka gebelkiisu sii dhacayo ee Siilaanyo.

Hadalka culimada deegaanka Buuhoodle ayaa kusoo beegmaya xili dagaalo ka soconayaan gobolka Cayn kaasoo ay duulaan kusoo qaadeen maamulka isku magacaabay Somaliland & beelaha bariga Burco oo iskaashanaya.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. sahal osman says:

    waxaa la igumagacaabaa sahal cisman waxaan kunoolahay wadanka sweden ee qaaradaasi europe waxaan ahay dadka marwalba daneeya xaalada gobolada ssc webkaana aad baan uga helay qaabka uu usoo gudbiyo markasta wararka caalamka gaar ahaan kuwa gobol mahadsanidiin

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos