Published On: 8 February 2012 9:18 am

Buuhoodle: Maxaabiis iyo hub laga qabtay maleeshiyada Siilaanyo (Sawiro)

Xaaladda deegaanadii uu dagaalka xoogani ka dhacay ee duleedka Buuhoodle ayaa  degen.

Warar dheeraad ah oo soo baxay ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ku gacan sareeyaan ciidamada deegaanka,waxaana wararku ay intaas ku darayaan in 3 Gaaro oo nooca dagaalka ah laga qabsaday maleeshiyada Siilaanyo.

Khasaaraha dagaalka ee labada dhinac kala gaarey ayaan ilaa iyo hada la ogeyn waxaana degmada Buuhoodle lasoo gaarsiiyey 6-askari oo maxaabiis ahaan looga soo qabsaday maleeshiyada Siilaanyo.

Xaaladda ayaa xiligan ah mid degen waxaase laga cabsi qabaa in dib mar kale dagaal u qarxo maadaama ay labada dhinacba abaabul ciidan oo xoog leh wadaan, guud ahaan jewiga guud ee Buuhoodle ayaana ah mid saan saan colaadeed oo xoogan laga dareemayo.

Waxayna labada dhinac ku kala sugan yihiin Sool-joogto oo qiyaastii 28km waqooyiga degmada Buuhoodle kaga beegan iyo Meygaagle oo waxyar u jirta, ciidamada deegaanku saaka waxay gaareen Meygaagle haseyeeshee markii dagaalku qaboobey ayey Sool-joogto dib ugu soo noqdeen.

Daawo Sawirada gawaadhida dagaalka ee maanta laga qabsaday maleeshiyada Siilaanyo

[royalslider id="1"]

14.16

Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay dagaalka Gobolka Cayn ka socda

14.04

Ciidan beeleedka fadhiya Tukaraq ayaa bilaabay in ay madaafiic ku garaacaan fadhiisimada maleeshiyada Siilaanyo ku lee yihiin duleedka Laascaanood.

Waxaana lagu soo waramayaa in dhawaqa madaafiicada laga maqlayo tuulada Gambadhe ee duleedka bari ee Laascaanood.

13.51

Dagaalkii ka socday Buuhoodle oo iskii isu taagay kad ib amrkii uu muddo 7 saacadooda ah kala socda agaagaarka Maygaagle iyo Sool joogto

13.48

Taleefanadii Buuhoodle oo hawada ku soo laabtay ka dib markii saaka la Jam-gareeyay dhinaca hadawa

11.48

Taleefanadii Buuhoodle oo la jam-gareeyay. dadka ku sugan gudaha Buuhoodle ma awoodi karaan xiligan in ay taleefano diraan waxa u soo baxaya in hawdu mashquul tahay halka qofka Buuhoodle ka wacayana loo sheegayo in taleefanka uu garaacan uu xiran yahay.

Shirkadaha taleefanada Buuhoodle dhamaantood waxa laga lee yahay magaalada Hargeysa, Taleex Media ayaa ogaatay in system-ka u yaala Buuhoodle shirkada ugu ee bixisa taleefanada gacanta uu awoodi in daqiiqadiiba ay is wici karaan 10,000 Out-going calls and incoming calls taaso meesha ka saaraysa in aysan maamulka shirkadaasi qiil ka dhigan karin waxa nagu batay culayska taleefanada

10.36

Dagaalka ka socda Maygaagle oo hada soo xoogaystay ka dib markii maleeshiyadii Saaka la jabiyay ay heleen gurmad dheeraad ah hqase ahaate ciidamada xaq u dirirka ah ee deegaanka ayaa u dib u riixay maleeshayada huwanta ah

10.10

Maleeshiaydii Siilaanyo oo helay gurmad dheeraad ah oo ka kala yimi deegamaada habar jeclo iyo Laascaanood kuwaaso hada ku biiray dagaalka ka socda agaagarka Maygaagle

09.54

Dhaawacyadii u horeeyay ee maleeshiyada Siilaanyo oo hada Burco la gaadhsiiyay

09.41

Maleeshiyaad gurmad ah ayaa hada ka baxaay magaalada Laascaanood kuwaaso ka soo jeeda beelaha Isaaqa ee ku sugan gobolka Sool.

09.32

Gaadhi kuwa dagaalka ah oo uu ku rakiban yahay qoriga loo yaqaano shilkaha ee lidka diyaaradaha aaya gacanta u galay ciidamada deegaanka Buuhoodle kaas oo ay ka qabsadeen maleeshiyada Siilaanyo

09.27

Dagaalku waa uu sii xoogaysanayaa ilaa hadana waxaa gacan sareeyaa ciidamada deegaanka Buuhoodle.

Dagaaladii Saaka ka qarxay agagaarka Maygaagle ayaa lagu soo waramayaa in jab xoogan loo gaystay maleeshiyada huwanta ah ee ku soo duushay shacabka gobolka Cayn.

Sida ay xaqiijinyeen dad goob joog ah oo ku sugan gudaha magaalada Buuhoodle waxaa gacanta lagu soo dhigay qaar ka mid ah gaadiidkii dagaalka ee maleeshiyada Siilaanyo iyo maleeshiyadii saarnayd.

Dagaalkan oo ah mid aad u xoogaan ayaa ilaa hada waxaa ku gacan sareeya shacabaka xaq u dirirka ah ee lagu soo duulay ee reer Buuhoodle.

 

Displaying 5 Comments
Have Your Say
  1. faahiye says:

    maashaa allah darwiish waa nin kheyr badan
    walaal waan kulaqabaa in aan loo gudbin waayo daarood iyo
    iidoor kala gobonimo badan waa uqda deysan yihiin
    waa in aan loo talaabin xad kooda
    waa in wax la tu saa laakiin aan maatida ladilin si dooda oo kale.

  2. Jigjigawi says:

    Ninkii dhoof ku yimi dhul darwiish bay geridu dhibaysa, akhirana halki kofil maray bu mari

    ALow yaa reer tolkay dhulbahante kawada dhiga sida REER buuhoodle, walee reer buuhoodle waa dhashii darwiishka dhabta ah , sayid maxamed , iyo ismacil mire.

    koley waxa iga talo ah , khatumo state kalaya difaca dhulkiina , hana u gudbina dhul iidoor , waayo , ninka darwiishka ah xaq, diin iyo somali jacayl baa lagu yaqaan.

    viva reer buuhoodle
    mabruuk the new somali state Khatumo state

    this it the begining of somali unity.

    waaba darwiishkii oo soo noqday.
    masha alaah

    waxase cajiiba , nin BURCO IYO HARGEYSA KA yimi oo gaal laga xoreyey sidii koofil , soona doonanaya ninkii gaalada ka kaxeeyey.

    khaatumo state cidii gardaro ku timaad dhulkiina , mariya halkad KOOFIL MARISEEEN

    GUUUL SOMALIYEED = BUUHOODLE
    BUUHOODLE THE LINK OR THE KEY OF SOMALIUNITY MASHA ALAH. ALOW LAASCAANOODA TAAS OO KALE TUS.

  3. Niyaayir says:

    darwiish si wanaagsan ayaa uu u hadlay wayo waxaa ku dhimanay nin reer buuhoodleh caqli ayaa loobaahan yahay looma baahna tolay yaa reer hebelay maanta reer buuhoodle wiilka ka dhintaa waa uu tagay soona laaban maayo halkiisiina waa ay madhnaan kolkaa talo ayaa loo baahan yahay dhankii dantu ku jirto ayaa la raacaa buuhoodle waxbarashadeeda eega magaalooyinkii kale way hore mareen oo waxaa ay yeeshee dhalin yaro waxbaratay barina hogaamin doonta magalada ay kasoo jeedaan laakiin buuhoodle dhalin yaradeedii wa ay dhimanaysaa oo maalinta wax dhacanba waxaa dhimanaaya tiro aad u badan oo mustaqbalkii bari ah fikira oo walaaal dantaada faras dabaddii ayaa looga dagaaye dantiina ka fikira reer buuhoodlow haddii kale bari dhow buuhoodle dhali yaraa laga waayi

  4. bar BAri says:

    ulululu wa ku farax sanahay jabka snm or siilland maxa ka yaal buuhoodle ma hooyadood aya ku foolanaysa … ragga buuhoodle guul ayan idin leeyahay cadawgiina cagta hoosteeda idinkuna haka haririna ilaa hargaysa sidii afweyne u gala oo aasa iidoorka uraaya ictiraafka ay radinayan rag baa ku fadhiya Harti la yiraahdo baroorta awawgiin idin was

    • darwiish says:

      kkkk. hadaynu reer buuhoodle nahay kildhi ayaa madax laynoo galiyay, khatumo waxa laga dhisay taleex, xaglo toosiyana waxba looma dhiibin, laakiin yaa ku dhimanaya, faranta, cali gari iyo barkad kkkkkk. mar danbaynu garan, caqli ha la keeno ciidan dhan oo qalabaysan maalin walba rag inagaga dhiman maayaane, hadii kale maalin dhaw nin reer buhuudle ah oo dagaalama lama arki doono. mark my words

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos