Ciidamo ku soo qulqulaya Tukaraq
Ciidan beeleed aad u hubaysan ayaa ku soo qulqulaya magaalada Tukaarq ee dhacda bariga Laascaanood.
Ciidaan beeleedkan ayaa ka kala yimi deegaano kala duwan oo ka tirsan gobolka Sool iyadoo kuwa ugu badan ay ka yimaadeen magaalada Taleex.
Waxaana ay wararku sheegayan in ciidankasi la dejiyay qaar ka mid ah xeryaha ciidmaada ee horay halkaa ugu yiilay.
Ciidan beeleedyadan oo aan ka amar qaadan Axmed Karaash oo ka mid ah seddex madaxweyne oo dhawaan Dr Galaydh magacaabay ayaa safarkooda dhaliyay shaki.
Wararka qaar waxa ay sheegayaan in qaar mid ah ciidan beeledkaasi ay doonayaan in ay ku yeeshaan awood muuqata magaalada Tukaraq oo ah goob istaraatiji ah.
Ka dib imaanshaha ciidan beeleedkaasi ayaa waxaa magaalada Tukaraq ka huleelay Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo ciidan uu watay mase cadda in ay isku xiran yihiin bixiidiisa iyo imaanaashaha ciidamadan.










