Published On: 21 February 2012 12:27 am

France oo soo dhaweeyay go’aamadii Garowe 2

France ayaa soo dhaweysey heshiiskii Garowe2 oo ay hogaamiyaasha Somalidu ku gaareen shirkii ay soo qaban-qaabisey Qaramada Midoobey ,waxana uu qayb ka ah soo dhisitaanka xukuumad iyo barlaman cusub marka uu dhamaado xiliga KMG-ku Aug2012.

Afhayeenka wasaarada arrimaha dibedda Fransiiska Vincent Fluorine oo shir saxaafadeed uu ku qabtey maanta 20 ,Feb 2012 Paris ayaa sheegay in heshiiska cusubi yahay mid talaabo horey u qaadaya wadadii saxda ahayd,isagoona ugu yeerey masuuliyiinta Soomaaliyeed inay si dhab ah u fuliyaan qodobadii ay ku heshiiyeen.

Fluorine waxa uu sheegay in France si joogta ah ula shaqeyneyso dalalka bah-wadaagta ku yihiin Beesha Caalamka sidii nabad iyo xasilooni dib loogu soo celin lahaa Somalia oo muddo 20 sanno kor u dhaafeysa nidaam daro kajirtey.

Heshiiska Garowe lagu gaarey ayaa ku soo beegmey xili martiqad uu madaxda iyo dhinacyada siyaasada Somalia u fidiyey raysal wasaaraha Britain David Cameron sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka daba dheeraad ee Somalia ka taagan.

Garowe2 ayaa waxa ku gaarey xarunta jaamacada PSU Garowe saxiixayaashii geedi socodka nabada Somalia,iyadoona goob joog ahaayeen wakiilo kasocda Beesha Caaalamka iyo daneyaasha Somalia ,waxana uu socdey muddo saddex maalmood ah.

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos