Published On: 22 February 2012 6:17 pm

Shabaab oo Baydhaba laga qabsaday

Share in top social networks!

Waxaa goordhawayd galay magaalada Baydhabo ciidamada dawladda federaalka ee Soomaliya iyo kuwa Itoobiya kuwaas oo ilaa shalay kusii wajahnaa magaaladaas oo ay horay gacanta ugu hayeen ururka Al-shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Bay ee dawladda Federalka C.Fataax Maxmed Ibraahim Geesey ayaa maanta saxaafadda u sheegay in dadka reer Baydhabo looga baahanyahay inay is dajiyaan soona dhaweeyeen ciidamada dawladda, isagoo dhinaca kale ballan qaaday in isla goobta lagu toogan doono askarigii isku daya inuu bililiqaysto hantida dad weynaha.
Ciidamada ururka Al-shabaab ayaa maanta ka baxay magaalada Baydhabo ka dib markii ay heleen wararka sheegaya in ciidamada dawladda iyo kuwa Itoobiya ay kusoo fool leeyihiin magaaladaasi, mana wax war oo ilaa hadda kasoo baxay Al-shaab.

Ururka Shabaab ayaa maamulayey magaaladaasi tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2008-dii xilligaas oo ay ka bexeen ciidamada dawladda Itoobiya.

Share in top social networks!