Published On: 11 April 2012 12:11 am

Hogaankii Al shabaab oo Laascaanood ku sugan (dhagayso)

Share in top social networks!

Ku xigeenka Axmed Cabdi Godane oo ah hogaamiyaha Al shabaab ayaa ku sugan magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Masuulkan ka tirsan ururka xiriirka la leh Al qaacida ee Al shabaab ayaa yimi Laascaanood ka dib markii laga soo saaray gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dawlada Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamud Faroole oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in firxadkii  Al shabaab ay ku soo qulqulayaan gobolada Puntland ka dib markii lagaga soo adkaaday gobolada koonfurta Soomaaliya.

Faroole waxaa uu sheegay in ay Al shabaab u soo wareegtay dhulka buuraleyda ah ee gopbolka Sanaag.

Sido kale Faroole ayaa xaqiijiyay in ku xigeenkii Al shabaab uu hada ku sugan yahay magaalada Laascaanood .

Maamulka laascaanood ka arimiya xiligan ee isku magacaabay Somaliland ayaa xiriir soke le leh kooxda Al Shabaab gaar ahaan wasiirka madaxtooyada Siilanayo.

Dhawaan Axmed Cabdi Godane waxaa uu amaanay natiijadii shirkii Taleex isagoo u hablayey Khaatumo.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Share in top social networks!