Published On: 15 May 2012 4:59 am

Nin & Naag isku Dhegay Xili Ay Sino ku guda jireen (Video)

Share in top social networks!

Dhacdo foolxumo iyo ceeb tii ugu xumeyd abid uguna yaabka badneyd ayaa ka dhacday magaalada Nairobi ee Kenya ka dib markii haweeney la qabo oo qiyaaneysay ninkeeda ay la kulantey ceeb iyo fadeexad qabsata qof tii ugu darneyd abid.

Haweeneydan la qabey oo ahayd qof qaraabato ayaa hab dhaqankeeda waxaa ka shakiyey ninkeeda taas oo keentay inuu ninkaas uu la xiriiro qolooyinka ku xeel dheer sixirka kuwaas oo u soo sameeyey alaab gooni ah oo ku ogaan karo ama kula socon karo xaaskiisa.

Hadaba markii ay haweeneydaan qiyaaneysay ninkeeda ay isku daydey inay la tumato nin kale ayaa waxaa dhacday inay naagtaas iyo ninkii la tumanaayey ay isku dhegeen xilli ay ku gudo jireen howshii sariirta taas oo keentay in la kala fujin waayey, iyadoona ay arintaas soo jiidatey shacab badan oo maqley arinka dhacay, booliiska oo soo gaarey goobtaas ayaa sidoo kale ku guul dareystay inay kala fujiyaan ninkaas iyo naagta xaaraanta isku heystey.

Wada hadalo dheer ka dib ayaa waxaa uu ninkii sinaysanayay uu balan qaaday inuu bixinaayo  20,000 oo shilinka Kenya oo ah magdhow iyadoona uu ninkii qabay xaaskana uu aqbalay arintaas intaas ka dibna waxaa loo yeeray nin kala furdaamiya oo wax ku akhriyay labadii isku dhegenaa halkaas oo ayna ku kala fuqeen ninkii iyo naagtii qiyaanooleyda ahayd ee ninkeeda qiyaaneysay.

Ugu dambeyntiina iyadoo arintaan ay tahay mid si aad iyo aad ah loola yaabo ayaa waxay dad badan is weydiin karaa sida ay ku dhacday arintaas, dad badan oo ku sugnaa goobtaas ayaa arintaas waxay ku noqotey cajiib iyadoona ay arintaas dadka badankiis ku ahayd wax ku cusub qaar ka mid ah dadkii goobtaas soo gaarey ayaa sheegay inay maqli jireen sheekooyinkaas oo aysana aamini jirin laakiin hada wixii ka dambeeya ay fikrad kale ku abuurtey waxa ay indhahoodu arkreen sidoo kale ayaa tani waxay digniin u tahay raga ka qaraabta haweenka la qabo oo ay dhici karta inay ceebtaan oo kale la kulmaan.

Share in top social networks!

Switch to our mobile site