Published On: 5 June 2012 2:58 pm

Qurbajoogta Yurub ee SSC oo Ka Dayriyay Mashruuca Khaatumo (Dhagayso)

Share in top social networks!

Todobaadkan waxaa si isdaba joog ah ula soo xidhiidhaya shabakada Taleex Media qurbajoga ka soo jeeda gobolada Sool,Sanaga iyo Cayn ee dunida daafaheeda iyagoo cabirayay aragtidodoo ku aadan mashruuca Khaatumo.

Todobaadkii hore waxaan baahinyay qayb ka mid ah qurbajooga gaar ahaan kuwa ku nool Waqooyiga Amerika kuwaaso si weyn u weeraray mashruuca qaaran uruursiga ee kooxda ku bahahowday Khaatumo.

Waxaan habeenimadii xalay (04.06.2012) xiriir la soo sameeyay Taleex Media qurbajogta ku nool qaarada Yurub iyagoo ay ka mid yihiin xubno miisan culus ku leh jaaliyadaha dalka Ingiriiska ee SSC.

Waxaana ay si weyn uga faaloodeen mashruuca uu ninka kaliya iska lee yahay ee lagu khiyaamay bulshada SSC.

Waxaa ka mid ah dadka aragtidooda ka dhiibtay rag miisan leh oo ka qayb galay shirkii Taleex xog badana ka haya kooxda G6 taariikhdooda iyo qorshaha u qarsoon ee ay ka le yihiin mashruuca Khaatumo.

Waxaa kaloo ka mid ah xubno ku dhawdhaw kooxda G6 oo daboolka ka qaadaya shirar todobaadkan dhexmaray mulkiila Khaatumo iyo xubno ka mid ah maamulka Soomalidiidka.

Suaaloaha ay jawaabaha u baahan ee qurbajoogtu is weydiinayaan ayaa waxaa ka mid ah:

Maxaa Khaatumo laga dhaxlay?
Sirta ka dambaysa Khaatumo maxay tahay?
Waa Kuma maskaxda mashruuca Khaatumo?
Shacabka SSC sidee ayuu uga bixi karaa xaalada uu hada ku jiro?
iyo arimo kale oo xiiso leh.

Haddii aad Waqooyiga Amerika Joogtid Fadlan ka dhagasyo taleefanka: +17124324461

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Share in top social networks!

Switch to our mobile site