Published On: 7 June 2012 4:09 pm

Geel La Aragye, Dad Ma La Isku Sidki Karaa: Bye Bye Khaatumo

Share in top social networks!

Geel la isku sidko waa la arkaye, dad aan wada degin oo degaankoodu is gaadhin ma la isku sidki karaa? Gobollada SSC iyo degaamada Xamar mala isku sidki karaa? Bal ka tabdhaha haddaad rabto inaad isku xidho ama isku sidigto 2neef oo 2xero ku kala jira!!! Waa su’aasha aan rabo in Dhulbahante jawaab waafiya ka bixiyo, waana shaqada maanta Khatumo hayso.

Waddamada Westernka ah ee aynu nimi waxaa dhaqamadooda ka mid ah sida qaalibka ah qofku markuu gaadho 18jir,qofkaasi wuxuu gaadhay waqtigii uu noloshiisa iyo mustaqbalkiisa gacanta ku dhigi lahaa,oo uu ka baxay gacan ku hayntii waalidkii,wiil ha ahaado ama gabadh ha ahaate.

Gabadh da’daa gaadhay ayaa waxay is arkodeen wiil asaageed ah,waxay ku heshiiyeen inay guri wada kiraystaan, ha isla degeen ama midba qol gugiga haka degee si ay noloshan cusub isaga kaashadan,wixii kharash ahna midba qaybtiisa bixiyo, maalintii dambe ayaa wiilkii lacagtisii lunsaday oo lacagtii laga rabay keeniwaayey, gabadhii waxay karti u yeelatay inay wiilkii lacagtii weydiiso, wiilkii wuxuu ku jawaabay lacag ma hayo, gabadhii waxay ku tiri wiilkii war lacagtii ha kaa baxdee wax macquul ah oo la aqbali karo ma kaaga baxday?

Dhulbahante inta gabadhaas  yari garatay ayuu garanla’yahay ama awood u yeelan waayey maal badan ama lacag aad u fara badan ayaanu bixinaye xaggay martay? Maxayse qabatay? Illayn reer Buhoodle oo weli dhufayskii ku jira waxba lagama siine, mid Lasanod u socda iskaba daa,jawaabtu waa fududahay Dhulbahantow ma laabtaad la’dahay horaa la idiinku sheegay “annagu dagaal doonimayno” Lasanod dawlad Somaliyeed ayey sugaysaa ayaa ugu dambaysay sida uu sheegay khasnajiga Khatumo.

Lacagtiinii waxay gashay Hotelada Xamar, Nairobi,Kampala , Istanbul iyo diyaaradaha loogu kala goosho, Khatumo waxay weli idin leedahay waxbaa dhimane soo kordhiya,lacagahaas weli sagaaro lug kama jebine.

Annigu waxaan jeclaan lahaa intay Khatumo  muraayad soo qaadato isku fiiriso,aragga iyo muuqaalka ay leedahay,ogaatana shayga ama nooca noolaha jira ee ay tahay isa sheegto,si dadku u fahmaan.

Faras  wuxuu qurux ,qiimo iyo qaayo ku leeyahay marka si wanaagsan loo heenseeyo shixmad waxay ahaydna loo dhameeyo.

Isimna wuxuu sharaf,qadarin,karaamo iyo maamuus ku leeyahay markuu beeshiisa dhex joogo,waxaan la hadlayaa G11 ee ku kufriyey dalkoodii iyo dadkoodii ee ku kala filiqsan Xamar iyo Nairobi,anigu waxaan isim u aqoon jiray marka dhiillo ama qalo-roor yimaado qofka ugu horeeya ee lagula soo eeran jiray wuxuu ahaan jiray isimka iyadoo hareeraha laga tubanyahay ayuu go’aan gaadhi jiray sidii uu isagu gacanta ugu dhigilahaa arrinta colaad iyo nabad kay ula kacdoba.

Quluubta dadka lama daalacan karo laakiin waa ayaan darro,waa nasiib darro,waa dadnimo xumo,waa damiir xumo,waa garaad xumo,waa caqli xumo,waa calool xumo,waa guul darro shaqada maanta isimada Dhulbahante ku jiraan, ninkii wuxuu yidhi Illaahaow yaan geelayaga geel kale loogu soo jeedin, dabkii ka soo           bilaabmay Lasanod  hadda wuxuu marayaaTaleex,Buhoodle,Tukaraq iyo weliba magaalooyinka wuqooyiga America iyo yurub,khalad waa dhacaa laakiin midaan dhammaad lahayn oo iska socda garanwaayey anigu amuurtaas.

Nugaal ama gobolka Sooloo isimo la’aan mutay samayntii Khatumo ka bacdi,isimadeedii oo qoodh iyo xeraba dhigay,markii hurin dad darajo iyo magacdoon ahi dabar iyo hoggaan ku qafaasheen oo Xamar iyo qurbe salka loo dhigay khatumo bye bye.

Carro Dhulbahante Jiidali ilaa Far Hareeri waxaa bagaashku ama bariiska iyo sonkortu uga timaadaa Boosaso ,xuduudaha barigana waan soo xidhaynaa, kuwa wuqooyigana  waan ka baqaynaa khatumo bye bye.

Qurbajoogtii Dhulbahante oo deked noqotay oo layska daldasho khatumo bye bye         bye,meeshaan  anagu kuraasi ka rabno ayaa Dhulbahante u fiican Khatumo bye bye. Nin hashiisii maqantahay ama dayacay hal kale maloo dhiiban karaa,waxaa maanta ceebaysan nimanka dhulkooda la haysto ee aan weli is ogayn,maatadiina  ay sidii ilmada isaga duugayso Khatumo bye bye.

Ansixiyayaasha dastuurka Barlamaanka laga xulayo Xamar iyo Nairobi,Lasanod iyo Buhoodle goormay noqdeen Xamar iyo Nairobi, Khatumo intaasy kaa ahayd khatumo bye bye.

Isma  xukumi  karo,laymana xukumi karo ,cidna ma xukumi karo khatumo bye bye.

Garoonkii Taleex oo noqday meel gabaahiir ah, gawaan cidla’ah iyo banaan dhagi ah, oo aan saxarna laga qaadin saanadna oolin, lana fogeeyay sawirka araggiisa si aanay dadku su’aalo uga keenin, Khaatumo bye bye.

Waxaan ku soo dabrayaa hadalka Macal cunayaal waa ay iska soo bixidoonaan, iyagoo eedaysanayaal ah wakhti aad u dhow, iyagoon ka dhex muuqan doonin heykalka siyaasadeed gobolada ay ka soo jeedaan iney matalaan mustaqbalka.

Abdirizak Dalmar

_______________________________________________________________________

Abdirizak Dalmar Waa Abwaan ka soo jeeda Sool,Sanaag iyo Cayn kuna nool USA, Waa Abwankii Sameeyay heestii caanka ahayd ee Libdhimaysid Laascaanoodeey.

Xigasho: Codkawaamo

Share in top social networks!