make music movie
Published On: 11 June 2012 7:04 pm

Seddex qof oo lagu dilay Tukaraq iyo Karin Dabayl Weyn

Magaalada Tukaraq waxaa xalay lagu dhaawacay nin ka soo jeeda degmada Xuddun gaar ahaan beesha Gaboobe waxaana dhaawacay sida dad goob joog ahi Taleex Media u sheegeen maleeshiyada Axmed Karaash.

Sababta loo dilay ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan, wararka qaar ayaa sheegaya in ninku uu ka digayay in gaadiidka dagaal ee beeshiisu aysan ka qayb qaadan colaada u dhaxaysa beelaha Taleex iyo Xuddun sida darateed loo dilay halka maleeshiyad Axmed Karaashna ay dhinacooda ku doodayaan in ay u dileen ka dib markii ay ku qabteen isagoo gaadhi baaraanaya.

xaalada ninka ayaa lagu soo waramayaa in aad cuslayd iyadoo wararka qaarna ay sheegayan in uu geeriyooday hase ahate warka aanu ka helayno Tukaraq ayaa shegaya in uu dhaawac halis ah uu soo gaaray.

Tukaraq hal kantarool ayey leedahay waxaana gacanta ku haya maleehsiyada Axmed Karaash mana jirto meel jidgooya taalo oo dad lagu baaran karo.

Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya tuulada Karin Dabayl weyn waxaa halkaasi lagu dilay laba nin oo u kala dhashay beelaha Duduble (Hawiye) iyo reer Maxmauud (Majeerteen).

Labada nin ee la dilay ayaa ahaa darawalo gaadiid xamuul oo halkaasi marayay waxaana jidka u galay maleeshiyaad ka amar qaata Axmed Karaash balse ka soo jeeda degaanka Saaxdheer.

Dad ku sugan tuulada Karin Dabayl weyn ayaa u sheegay Taleex Media in gaadiidku ay ka soo leexdeen wadada laamiga ah maadama ay maalmihii u dambeeyay gaadiidka ay dhibaatooyin badan kala kulmeen maleeshiyo beeleedka Tukaraq qabsaday. Gadiidkii ayw ateen laba nin ee la dilay ayaa yaala tuulada Karin Dabaly weyn.