Published On: 13 June 2012 3:11 am

Kasye: “Beeshaydu Maysan Qaadan Mabaadii’da Khaatumo Kamana Mid aha” (Full Video)

Share in top social networks!

Kayse Maxamed Xaaji Cali oo Khaatumo u qaabilsanaa degmada Buuhoodle ayaa is casilay ka dib marku ogaaday arimo badan oo Khaatumo ka qaldan sida uu sheegay.

Kayse oo ku magacaabnaa maayarka Buuhoodle ee Khaatumo ayaa shaaca ka qaaday in jahwareer la geliyay waxbarashadii dhalaanka sidoo kale waxa uu kashifay in koox gaar ahi ay wataan mashruuca Khaatumo.

Sidoo kale Kayse ayaa sheegay in Khaatumo ay is hortaagtay nabad ka dhacdaa gobolka Cayn gaar ahaan in ay wada hadlaan beelaha Habarjeclo iyo reer Buuhoodle.

Ugu dambayntiina waxaa uu caddeyaya in aysan beeshiisu ka mid ahayn mashruuca Khaatumo isla markaana uusan u matali karin maamul ay mabdaiisa aaminsanayn.

Share in top social networks!

Switch to our mobile site