Published On: 13 June 2012 8:08 pm

Tukaraq: Maleeshiyada Axmed Karaash oo nin Kale oo Reer Taleex Dhaawacay

Share in top social networks!

Wararka aanu ka helayno magaalada Tukaraq ayaa sheegaya in xalay dhaawac loogu gaystay nin ka soo jeeda degaanka Tukaraq.

Ninkan ayaa waxaa dhaawacay maleehsiyaad ka amar qaata Axmed Karaash balse ka soo jeeda degaanka Yagoori.

Ninka la dhaawacay oo lagu magacaabo Axmed Bare Sugalle (Dhul Cageeye) ayaa waxaa loo qaaday magaalada Garowe halkaas oo lagu dawaynayo.

Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno Tukaraq waxaa dhaawaca ninka gaystay nin ka mid ah maleeshiyada huwanta ah ee Axmed Karaash hogaaminayo oo ka soo jeeda Yagoori.

Ilaa hada ma cadda sabbata dhabta ah ee loo dhaawacay hase ahaate wararka qaar ayaa sheegaya in ay doonayaan in uu soo deg dego isku dhaca maleeshiyo beeleedyada Xuddun iyo Taleex ee kala fahdiya Tukaraq iyo Falaydhyaale.

Axmed Karaash ayaa dhawaan qabsaday magaalada Tukaraq waxaana is uruursi bilaabay maleeshiyo beeleedyada Taleex kuwaas gaadiiid dagaal iyo ciidanba isugu keenay tuulada laamiga ee Falaydhyaale.

Ma jirto cid wax waan waan ah ka dhexwadaa xili kastana waxa suura gal ah in dagaal ka dhex qarxo labadaasi beel.

Axmed Karaash waxaa uu hada maleeshiyaad gurmad ah ka helay Saaxdher iyo Yagoori oo gacan saar la leh maamulka Somalidiidka.

Dhaawaca loo gaystay Axmed Bare Sugulle ayaa noqonaya waxyeeladii sagaalaad (9aad) ee soo gaadhay beelaha Taleex tan iyo intii uu bilawday mashruuca Khaatumo.

Waxaa horay maleehiyada Karaash u dileen ama ka qayb qaten dilkooda 5 dhimasho ah iyo 4 dhaawac ah oo dhamaantood ka soo jeeda Taleex waxaana u dambeeyay dilkii Faraweyne .

Dadka laga dilay lagana dhaawacy reer Taleex intii la bilaabay mashruuca Khaatumo

Dhimashada

  1. Jamaac Aw Cali shire
  2. Mubaarik Saalax Cali
  3.  Kayse Muuse Deri
  4.  Cali Bacaw
  5.  Faraweyne Axmed

Dhaawac

  1. Cabdisamad Sanqadhweyn
  2.  Qulunquul
  3. Jaamac Maxamed
  4. Axmed Barre Sugulle
Share in top social networks!