Published On: 15 June 2012 7:16 pm

Madaxweyne Faroole oo Jigjiga Booqasha ku Jooga

Share in top social networks!

Waxaa saaka oo Jimce ah kasoo wada degay diyaarad Ethiopian airlines oo kasoo kicitintay magaalada Addis ababa Madaxweynaha dowladda degaanka Soomaalida Itoobiya iyo madaxweynaha dowladda Puntland ee Soomaaliya iyo wafdigiisa oo beryahanba ku sugnaa magaalada Addis ababa,wefdigan martida ah ayaa loosoo gelbiyay aqalka martida ee DDSI.

waxaa madaarka ku soo dhaweeyay madaxda golaha xukuumadda,  baarlamaanka, xisbiga iyo qaybaha kala duwan ee bulshada,soo dhaweeyn si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa lagusoo dhaweeyay iyadoo markii loosoo gelbinayay aqalka martida ay dadweynaha reer jigjiga oo caleemo qoyan ruxaya,bood bood ay rayn rayn iyo farxad ku muujinayaan kalgacal xanbaarsan..lahaayeen ereyo ay ka mid ahayeen madaxweyne faroole soo dhawoow adiga iyo wefdigaaguba,ayaa aakhirkii soo gaaray gurigii nasashada halkaas oo salaada dabaded lagu wada qadeeyay qado si caqliga ka baxsan loo soo agaasimay.

Madaxweynaha DDSI mudane Cabdi Maxamed Cumar oo ah madaxweyne dhallinyaro ah oo isbadal la taaban karo ka muujiyay deggaanka,xagga amniga, horumarka, caddaaladda,iyo maamul wanaagga oo martida loo yahay ayaa isaga iyo xukuumaddiisu iyo bulshadiisuba u diyaargaroobayay qaabilaadaha kala duwan ee bilaaban doona saacadaha nagu soo aadisan,waloow ay maalin shaqo tahay jigjiga oo ah caasimadda DDSI.

Madaxweyne Faroole ayaa la filayaa inuu joogo maalmo kooban waxana socdaalkiisu noqonaya madaxweyynihii ugu horeeyay oo casumaad uu ka helay degaanka Soomaalida Itoobiya iyo federaalka Itoobiya ku yimaada deggaankan Soomaalida Itoobiya.

Bartamihii Sanadkii 2010kii ayey ahayd Markii ay booqasho noocan oo kale ah ku yimid madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen, C/samad Cali Shire iyo wafdi uu hogaaminayay, xilligaas oo uu DDSI madaxweyne ka ahaa madaxweynihii hore mudane Daa’uud maxamed Cali oo imminka ah wasiir ku xigeenka wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska ee federaalka Itoobiya,xilligaas oo uu madaxweynaha hadda talada hayaana ahaa hoggaanka nabadgelyada ee DDSI.

Booqashadaas oo casumaad aheyd ayaa iyana si heer sare ah loosoo agaasimay, maalmo ka dibna waxaa ay u baqooleen Addis Ababa oo aheyd halkii ay ka yimaadeen markii hore.

Habeenimadii abaarro sideedii fiidninimo ayagoo deggen huteel ku yaala xaafadda 01/jigjiga ayaa la ogaaday,ka dibna sidii caadadu ahaan jirtay dhowr qof oo bal soo ogaada socdaalkooda ayaa u tagay,iyadoo subaxnimadiina laga soo raray huteelkii oo aqalka martida lasoo dejiyay,

Isku soo duudooboo,booqashadaan uu in dhawaalaba ku maqnaa madaxweyne Faroole ayaa noqonaysa mid maamulkiisu iyo dadkiisuba ka dhur sugayaan waxa uu la soo guryo noqdo,iyadoo la filayo inay ka wada hadlaan arrimaha xagga ganacsiga,amniga iyo horumarinta Deegaanka .

Dowladda Puntland ee Soomaaliya ayaa ah maamul xasilooni ka jirto waxaana ku taala qunsuliyad ay leedahay dawlada federaalka Itoobi

Share in top social networks!

Switch to our mobile site