make music movie
Published On: 15 June 2012 6:39 pm

Raysal Wasaare gaas oo ka Qayb Galay Aaska Sh. Mukhtar (Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta 15 June,2012 dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro uu ku tagey Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa maanta si heer saro ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, Islamarkaana ka qeybgalay Aaskii qaran ee Marxuun Mukhtaar Maxamed Xuseen.

Meydka Marxuunka ayaa laga soo dajiyay garoonka diyaaradah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana Aaska Marxuun Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen ka soo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,Ra’iisul Wasaaraha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Qaar ka tirsan labada Gole ee dowladda, Saraakiil, Waxgarad iyo Odoyaasha.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa meydka Marxuunka Salaatul Janaazada ku tujiyay mas’uliyiintii ka soo qeybgashay garoonka diyaaradaha dhexdiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ugu horey Umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeayay geerida Marxuunka, Wuxuuna tilmaamay in Allaha u naxariistee Sheekh Mukhtaar uu ahaa nin wadani ah Cadaaladbadan kuna weyneyd Soomaalinimada, Waxaana Alle uga baryeynaa in Janadii fardowsa Alle ka waraabiyo.

Sidoo kale waxaa iyana goobta Marxuunka lagu aasayay ka hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli, Iyagoona sheegay in Umadda Soomaaliyeed ay ugu tacsiyeynayaan, Samir iyo Iimaana Eebe ka siiyo Eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa sheegay in marxuun Sheekh Mukhtaar uu ahaa shaqsi ay ku weyntahay Soomaalinimada islamarkaana door muhiim ah ka soo qaatay Siyaasadda  iyo hormarinta dalka.