make music movie
Published On: 16 June 2012 10:16 am

Puntland oo ka Saartay Soomaalidiidka Tukaraq

Wararkii u Dambeeyay

Ciidamada daraawiishta Puntland ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada ka dib markii ay saaka aroortii hore qabsadeen maleeshiyada Soomaalidiidka oo uu hor kacayay Mahad Cambaashe.

Maleehsiyada Soomaalidiidka ayaa saaka dagaal la aan kula waregeay ka dib markii ay hiirtii waabari ka baxeen magaalada maleeshiyada Khaatumo oo uu horkacayay Axmed Karaash.

Tukaraq oo aysan waligood gudaha u soo galin maleehsiyada Soomaalidiidka ayaa saaka ku qabsaday dagaal la’aan taaso muujinaysa in uu jiro gacan saar ka dhaxeeyay maleeshiyada Khaatumo iyo kuwa Soomaalidiidka.

Ciidamada daraawiishta oo taa ka jawaabaya ayaa toos u galay dagalka si ay uga saraan maleeshiyada Soomaalidiidka deegamada gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn.

Dadaweynaha magaalada Tukaraq ayaa si weyn u soo dhaweeyay soo galintaanka ciidmaada daraawiishta Puntland waxaana baaqday qaxii ka socda gudaha magaalada oo ay dadku ka qaxayeen maleeshiyada Soomaalidiidka.

Ciidmaada Daraawiishta Dalwada Puntland ayaa shir deg deg ah ay ku yeesheen tuulada Falaydhyaale waxa ay go,aansadeen in aysan faraha ka laaban duulaanka ay sida wada jir ah u soo qaadeen maleeshiyada Soomaaliidka oo kaashanaya Khataumo.

Wararkii u dmabeeyay ayaa sheegaya in dagaal xoogan hada uu ka socdo dhinaca bari ee Tukaraq oo u dhexeeya maleehsiyada Soomalidiidka iyo ciidamada daraawiishta Puntland.