Published On: 17 June 2012 1:07 pm

9 Gaadhi oo kuwa dagaalka ah ee Khaatumo oo Puntland isu soo dhiibay

Share in top social networks!

9 gaadhi oo kuwa dagaalka ah isla markaana ka mid ahaa gadiidkii shalay ku bayhoofay degaamada Nugaasha aya asaka iyagoo naf la caari ah waxa ay isu soo dhiibeen ciidamada komandosta Puntland ee ku sugan Tukaraq.

Gadiidkan ayaa ka kooban 2 gaadhi oo ay saaran yihiin qoryaha lidka diyaarada ee loo yaqoono Zuuga 2 jiib iyo 5 ay saaran yihiin qoryaha baroonka.

Shalay Subax markii Axmed Kraash ka baxay Tukaraq isagon xabad ridin ayaa waxaa kala firxaday gadiidkii dagaalka ee uu watay kuwaaso qaarkood la socon waayay shidaal la’aan 2 ka mid ahaa gadiidkaas yaa iyagu aan ka bixin Tukaraq isla markaana ay qabsadeen maleeshiyadii ka sooctay Soomaalidiidka.

Dhamaan gadiidkii dhinaca Nugaasha u soo cararay ayaa badbaaday maadama ay komaandosta Puntland dan ka lahayn una arkayeen gaadiid beeleed.

DHalainyarada wadata gadiidka hada sida rasmiga u shaaciyay in ay isaga soo baxeen Khaatumo oo ay ku eedeeyeen mashruuc hoosaasin ah maadama ay diideen in xabad lagu rido maleehsiyada Somalidiidka ayaa sheegay in ay hada diyaar u yihiin dagala ka dhan ah Somalidiidka sidaana ugu soo bireen ciidamada komanadosta Puntand.

Sawirada iyo Video ku saabsan gadiidkaas kala soco Taleex Media 

Share in top social networks!