make music movie
Published On: 17 June 2012 4:08 am

Kab baan afka kuugu qaadayaa!!

Hordhac

Miyaanay ku socon dhulka oo aysan lahayn quluub ay wax ku gartaan ama dhego ay wax ku maqlaan, indhala’aanta runta ahi ma aha in aragga la beelo e waa indhabeelka quluubta ku sugan laabta (Suurat al Xaj, 46).

Aayadan uma soo qaadan in aan tafsiirkeeda guud ka hadlo, laakiin waxan u soo qaatay in aan xuso mucjisada cilmiga ah oo ku jirta oo labaatankii sano oo u dambeeyey cilmiga casriga ahi ogaadey, si cadna maantana dadka uga muuqata.

Soomaalidu marka dhanka waxbarashada laga hadlayo waxay adeegsataa (qalbacam ama qalbacan). Waxana lagu tilmaamaa ardayga damiinka ah oo aan waxbarashdu ka daadegin. Qalbacam waxay u muuqataa in ay afka carabiga inaga soo gashay oo labada erey oo aynu isku xidhiidhinay waa “qalb iyo cama” oo macnehoodu yahay qof qalbiga ama wadnaha ka indhala’. Waxa kale oo soomaalidu ku tilmaantaa in uu qalbi madoobaad qabo qofka aan sina wax u fahmin. Qaybtan yar oo aan gaarka uga soo jaray aayadda kor ku xusan, waxay si gaara u tilmaamaysaa in indhala’aantu tahay qalbi la’aanta. Waxana maanta cilmiga casriga ah lagu ogaadey in wadnuhu yahay xubinta dareenka, garashada, xasuusta, cibro qaadashada iwm oo maskaxda marka laga hadlayo waxyalahaas aynu xusnay iyo qaar kale oo badan laga yaabo in wadnuhu kaga horreeyo, iyadana awaamirta siiyo. Sida cilmigu hadda xaqiijey, wadnuhu wuxu si toos ah ula shaqeeyaa maskaxda, isaga oo isla markaa ka qayb qaadanaya fekerka lana fuliya wax kasta oo jidhku ku dhaqaaqayo. Xaqiiqdaas quraanka 15qarni in ka badan ka hor ku soo degtey aqoonta beni-aadankuna hadda gaadhey, waxay si toos ah u tilmaamaysaa in qofka qalbi madoobaadka qabaa yahay qof aan jirin, caqliga runta ahina qalbiga yahay 

Qoraalkan gaaban waxan si kooban ugu guudmarayaa tabaha uu adeegsado shimbir aduunka intiisa badan ku nool, si aan shimbiraha kale u dhaqmina u dhaqma oo habka maafiyada mid u dhigma shimbiraha kale kula dhaqma. Shimbirkaasi wuxu laayaa dhasha shimbiraha kale, isla markaana shimbiraha kale waxay koriyaan dhasha kii dhashooda laayey. Shimbirkaas wadankan aan ku noolahay waxa looga yaqaan “El Cuco”, afka ingiriisigana waxa lagu yiraahdaa “Cuckoo”. Waxa shimbirkan i xasuusiyey, waxan beesha dhexdeeda ku arkay waayeel tabaha uu adeegsado shimbirkaasi ku dhaqma iyo dad qalbi la’ oo la mid ah shimbiraha Cuckoogu carruurtooda laayo oo weliba tiisa koriya, lana odhan karo si toos ah ayay ugu dhigmaan kuwa aayadda lagu sheegay. Tan kale isu ekaanta dhaqanka shimbiraha iyo kan dadku wax lala yaabo ma aha oo hore ayaa quraanka loogu sheegay in nafley oo dhami ummadu ina la mid ah yihiin (suurat al ancaam) 

 

 

Shimbirka Cuckoo iyo shimbiraha kale

Shimbirka Cuckoo waa shimbir maalinta uu dhasho ilaa ay korriimadiisu ka dhamaystirmayso aynu odhan karno wuxu u dhigmaa dulinka (shilinta, takarta, injirta, dhuugga iyo wixii sidooda u nool). Afka ingiriisga waa waxa loo yaqaan “Parasite” ama noole noole kale ku dul nool oo dhiiga ka jaqa. Cuckoogu marka dhalmadiisu soo dhowaato ayuu wuxu bilaaba raadinta buul shimbireed oo ay dhashiisu “Parasite” ku noqdaan oo bilaash ugu koraan. Dhibaato ma noqoteen haddii waxyeeladiisu dhiig jaq ku egtahay, laakiin wuxu dilaa oo uusan midhna ka reebin dhasha shimbiraha uu dhiigooda jiqidoono.

Waxa dabeecadaha Cuckooga ka mid ah:

  • weligiis buul ma dhisto.
  • inta badan wuxu ugxanta shimbiraha kale ku dhextuura midh ugax ah oo midabka uga eg kuwa meesha ku jira.
  •  ugaxdiisu mar kasta way ka hor dilaacdaa kuwa kale si ay buulka uga tuurto
  •  midhka Cuckoogu dhalay wuxu xariif ku yahay sida riwaayadaha loo jilo, wuxuna leeyahay awood uu ku jilo cidii shimbirihii uu tuuray si waalidkood u moodo in ay buulka ku jiraan oo cunto badan ugu keenaan.
  •  48 saacadood ayuu wuxu dhali karaa 4-5 ugxan ah oo uu midba buul gooniya ku rido.
  •  noocyo Cuckooga ka mid ahi, shimbiraha garta khayaamadiisa oo tuura midhka uu buulkooda dhigtay, buulka ayay ka dumiyaan si ay mid kale u dhisaan, dhashana aargoosi buu uga laayaa, waana handidaan. Taas oo dhasha in shimbiraha qaar iska indha tiraan khayamadiisa iyaga oo ka baqaya aargoosi, laakiin maxay ugu taal midhkii ay iska indhatireen ba dhashii ay u baqeen laaya.
  •  tabahaasi waxay Cuckoo kasta oo korran dhaxalsiiyeen, in uu inta uu noolyahay fasax ku jiro, ilaa weligood ilmo ma koriyo oo waa loo koriyaaye.

Sawirka aynu ugu horraysiinayno sawirada maqaalkan aynu haddii alle idmo ku arki doono waxa ka muuqda oo u horreeya shimbirkii oo kuurgal ah oo buulkii uu ilmaha dulinka noqon doona dhigi lahaa ilaalaynaya. Afarta sawir ee ku xiga waxa ka muuqda buulkii ayaanka darraa oo ilmihii dulinka noqon lahaa lagu dhextuuray (waa kan flaadha lagu muujiyey ama inta kale ka weyn). Shimbirka Cuckoo waxa ku abuuran, mar walbana u suurta gasha in ugaxanta buulka ku jirta oo shimbirta ayaanka darani dhashay in Cuckoogu weyni marka hore midh ama labo ka tuuro si aan shimbirta kale u dareemin in meesha dulin soo galay. Inta soo hadhay waxa buulka ka tuura midka Cuckoogu dhigay oo u abuuran mar walba in uu ka hor dilaaco kuwa kale, si uu keligiis ugu koro cuntada shimbirihii buulka lahaa oo inta badan aan waxba dareemini u keenayaan dulinka loo hadoodiley oo ay u haystaan in ay dhaleen.

Sawirka aynu ku xejinayno waxa u horreeya ilmihii Cuckooga oo ugaxantii kale ka hor dilaacay. Waxa ku xiga sawir kale oo ilmihii Cuckoogu isaga oo markaa dilaacay oo laga yaabo in uusan qalalin, dilalkii uu u abuurnaa fulinaya oo sawir buul kale laga qaaday ugxanta kii u dambeeyey ka tuuraya. Afarta sawir ee kale waa isagii oo korriimadii bilaashka ahayd dilalkuna ka horreeyeen marba meel ka marayaa. Labada hore waxay muujinayaan isagii oo buulkii afarta ama shanta shimbirood loogu talo galay qaadi waayey oo marna keligiis ay muuqato in uu buuxiyey, marna inta geli kari waayey uu lugaha kula jiro. Labada ka dambeeyaana waa yahaaburkii oo aan af isku darayn oo shimbir rubuciis le’eg orodkii ka dhamaaday, si ay beladan loo soo diray oo ay moodayso in ay dhashay isaga aamusiso.

Difaaca shimbiraha kale

Shimbirihii dhibtaasi la soo deristey oo waraabe ma dherge ah oo dhashoodiina dhameeyey, tacabkoodiina ku naaxay ilaah qoorta u geliyey waxay u qaybsameen labo:

  •   qayb yar oo isku daya in ay wax iska celiyaan oo qaarna ilaah u fududeeyey in ay oo ukunta gudeheeda midabkiisa “Ultrviolet wave length” ku arki kara, ka dibna tuugga dhashiisa dibadda dhiga ama ugxan midabo badan leh dhala, si ay tuugga ugu adkaato in uu kiisa u soo ekaysiiyo.
  • qayb aan inta badan waxba dareemin, hadday dareemaana iyaga oo aargoosi ka baqaya iska indha tira oo qalbi iyo indhala’aan intay ka qabaan aan sawirkan idiin horyaal ilmihii tuugga ka garan karin (waa kan weyn oo midabka gaarka ah leh). Qoladaas qalbadda la’ waxa ugu sii liita shimbiro la yiraahdo “Dunnocks” oo iyaga aan meelina u fayoobayn, weligoodna wax dareemin.

Sawirka tabaha Cuckooga u dambeeya waxa inooga muuqda waraabe ma dherge ah oo afka kala haya oo leh ku soo ridaay ku soo ridaay ku soo ridaay iyo shimbirka korinaya oo ku tabcaya una haysta in uu dhalay oo marka loo sii fiirsado baalkiisa ka yar. Tusaalahani wuxu si cad muujinayaa awoodda dhaqaale oo u dhexaysa Dr. Cuckoo iyo islaamaha qaxoontiga wadamada reer galbeedka ku ah oo markay bisha oo dhan dadaalaan 50 doolar meel dhiga, marka ay laba bilood isgaadhona ciidamda Dr. Cuckoo ee albaabada garaaca ka dhuftaan. Waxaana nasiibdarro ah shimbirtu waxay u qabtaa in ay wasiirteedii ku tabcayso, laakiin meleggii ubadkeeda ayay korinaysaa. Sidoo kale, islaamuhu waxay moodayaan in dhulka lagu xoraynayo ama beesha daneheeda lagu fulinayo, laakiin inta yar oo ka soo hadha hudheelada lagu raaxaysto, balwada (xulka Dunnocks) ka iyo kuraasta Xamar iyo Hargaysa laga jeeqaaqayo, waxa lagu iibiyaa rasaas warasadooda laysugu dhiibo ama lagu laayo.

Gebagebo

Dr. Cuckoo oo in badan sida shimbirkan kuurgal ugu jirey meeshii uu siyaasadda beesha ka soo geli lahaa si uu ugxanta buul ugu rito, ayaynu sawirkiisa ku soo aragnay bilowgii maqaalkan. Wuxu in badan meermeerkaas ugu jirey madhaxa u yiil baa wuxu ahaa, keligi danaystenimo, lugooyo, afxumo, waxtar la’aan, dhac iwm. Waxa intaa u dheeraa oo loo hayey hadalo uu yiri mar uu madax noqday oo loo baahday ay ka mid ahaayeen: war anigu tol dhalasho ma lihi e waxan leeyahay tol siyaasadeed.

Wuxu aakhirkii dadka ku soo dhexgalay qabsashadii laascaanood oo weliba si cad raadkiisu uga muuqdo. Markuu ilmihii buul ku hubsaday 2009kii buu hawlgeliyey “Dunnocks” aan habeen iyo maalin mid la joogo ogayn. Dunnockska uu adeegsadey bal in qalbigooda madoobaadey, indhohoodana caad saaran yahay, dhegohooduna awodmeen waxay fahmi kari la’yihiin, hadalada Dr. Cuckoo sida:

  •  War Laascaanood raggii lahaa baa haysta e yaa laga xoraynayaa? Laakiin lacag baa loo baahan yahay e keena.
  • Ninkii dagaal u socdow awel baynaan isku waddo ahayn¡¡¡. Laakiin lacagta keena.
  •  Wuxu “Dunnocks”ka afka ugu tiray labada maamul oo cadowga ah oo hareeraha inaga xiga.
  • Markay u gaadhey oo uu “Dunnocks” ku filan isku hubsadayna wuxu dhegto ugu ridey, Laascaanood xoryanteeda waa in aynu Tukaraq ka horraysiinaa. Waa si dadka degaankana laysugu dilo tukaraqna soomaalidiidka loogu gacan geliyo.
  •   Waxa warmihiisa qalooca ugu dambeeyey nabadda Buuhoodle laga wadaa ma suuroobayso haddanay aniga i soo marin (oo adeer maxaad ahayd adigu, yaadse wakiil ka tahay?).

War dadka waxaa iyo wax la mid ah maalin walba dhegaha loogu ridayo oo hadana u jibaysanow, bal inta dib u joogsataan waxaad iswadiisaan, hadday labada maamul oo hareeraha inaga xigaan cadow yihiin:

- muxuu midna Dr. Cuckoo kab calaf ah afka ugu sidaa oo maalin walba u yiraahdaa waa ugu qaadayaa, kan kalena habeen iyo maalin colka ugu humayaa, cay iyo canjarafayna warbaahinta ugaga dirayaa?.

- maxaa Dr. Cuckoo midna u yiraahdaa walaalahayo, tan kalena ummad dhan iyo maamulkeedii ugu tilmaamaa booraan dawacada?

¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡Get up wake up¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡¡

Ugu dambaystii, Dunnockisow waxan maqlay sagaashanada bilowgoodii baa Daaroodkii firxadka ahaa waxa gamta u joogsadey beelo soomaaliyeed oo koonfur dega (Digil iyo Mirifle), markaasaa la waydiiyey oo la yiri war daaroodku muxuu idinka haleeyey? Markaasay waxay ku jawaabeen baa la yiri: “Hawiyaas wax ka haleeyey. Haatan war intiina sida shimbiraha Cuckoowga dhasha u koriya hadh iyo habeen dagaalka u faydan oo meel aan meeshii dagaalka u baahnayd ahayn loo jeediyeyow haddaan maanta idin waydiiyo, war Puntland iyo Majeerteen maxay idinka haleeyeen? Ilayn waa ujeednaa oo kii idinku soo duuley oo dadkiina waxna laayey waxna jeelasha uga buuxaan oo magaalooyinkiinii qaarna qabsaday qaarna colkiisii dul fadhiyo waa laydinka jeediyeye, ma waxaad ku jawaabaysaan qoodhiin iyo xeradiin “Dr. Cuckoo aas wax ka haleeyeen.

ilaahow qalbiga ha naga indhatirin.

 

F.G. War hoy ha la ogaado Beesha dhulbahante inta shirtay cid magaceeda ku hadasha oo afhayeen u ah ma dooran. Qolada kabta afka ku sida iyo wixii la mirtaana dhulbahnate kama wakiil aha magacoodana kuma hadli karaan xil ay u hayaana ma jiro.

Dr. Abdullahi Hassan Mohamud (Abdullahi Spanish)