make music movie
Published On: 18 June 2012 2:13 pm

Beentii Khaatumo oo La Qabtay: Daawo Sida ay u Wada shireen Khaatumo & Somalidiidka

Kooxda caadaysatay beenta isla markaana ay cadahay in ay Somalidiidka gacan saar la lee yihiin ayaa markii ay Tukaraq ku wareejiyeen Somalidiidka waxa ay suuqa gashadeen in Puntland iyo Somaliland kuwada shireen Tukaraq.

Hadaba waxaa Youtube-ka la soo dhigay warbiixn dhamaystiran oo ka hadlaysa islamarkana muujinaysa wixii ka dhacay Tukaraq iyo sida Axmed Karaash ugu wareejiyay Tukaraq wiil uu adeer u yahay oo Somalidiidka ugu magacaaban gudomiyaha gobolka Sool Xaaji Jeeni Yare.

Waxaa kaloo xusid mudan maleeshiyaadka aad muuqaalkan ku arki doontaan 80% waa reer Xuddun halka 20 % soo harayna ay ka soo jeedaan Adhicaddeyee.

Bal daawo sida ay u fashilnatay beenta laga iibinayay islaamaha Yurub caydha ku qaata ee la doonayay in biilka lagag furto.