make music movie
Published On: 20 June 2012 2:54 am

Puntland oo ka Hadashay Tukaraq, Taleexna Maxay ka Yeli Doontaa (Cod)

Wasiir ku xigeenka Maaliyada Dawlada Puntland Cabdi Ibaraahim Warsame (Cabdi qawdhan) ayaa ka warbixiyay qaabkii ay Tukaraq uga baxeen Khaatumo iyo waxa ka jira wararka sheegaya in laba maamul oo col ahi iska kaashadeen.

Wasiirka oo Waraysi gaar ah siiyay Taleex Media ayaa sheegay aysan maamulka Puntland ka suuroobin waxyeelaynta tolka hase ahaate ay Khaatumo iyadu ilaa hada wado qorashayaal lagu kala fogaynayo beelaha Harti.

Waxaa kaloo uuw asiirku ka hadlay arimo badna oo ay ka mid tahay waxa ay ka yelayaan maleehsiyada Khaatumo ee isku uruursanaya Taleex.

Ugu dambayntiina waxa uu wasiirku ka hadlay dadka qurbajooga ee iyagu rumasyanaya dacaayaadka Khaatumo sida “Axmed Karaash ayaa Yoocada Kormeeray” waxaana uu ku tilmamaay dadka sida fudud ku qaata warkasi oo aan waxba fahmin aan ka ahayn waxa Khaatumo u sheegto in ay la mid yihiin qoomkii diidi jiray quraanka xiligii uu soo dagayay.

halkan ka dhagayso wasiirka waraysiga aanu la yeelanay

 Haddii aad Waqooyiga Amerika ku nooshahay fadlna ka dhagayso waraysigan Teleefankan: +17124324461