Published On: 22 June 2012 11:03 am

“Beentiina Iska Dhagaysta” Daawo Muuqaalkan ay Khaatumo ku been abuurtay

Share in top social networks!

“Beentiina iska Dhagaysta, Waxaad la Mid Tihiin Kuwii Quraanka oo ku soo Degaya aan Waxba Fahmi Jirin Waligiin waxba ha Fahmina”   Cabdi Qawdhan oo la hadlayay qurbajooga Khaatumo taageera.

Halkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa beenta qaawan ee aan geed loogu soo gaban ee Khaatumo dadka ka iibiso.

Dhawana waxaa la faafiyay war lagu sheegay in wasiir ku xigeenka Maaliya Puntland iyo maleeshiyada Somalidiidka ay Tukaraq ku kulmeen waxaana la idiin soo raaciyay sawirka ka muuqda hoos .

 

Waxaana lagu sheegay sawirkaasi in la qaaday maalintii Khaatumo wareejisay Tukaraq kana carartay Somalidiidka hase ahaate waxa ay runtu tahay in sawirkaa laga xaday shabakada Taleex Media isla markaana uu ka mid ahaa war anau sii daynay intii aysan dhalan mashruuca khataumo.

Sawirka waxaa laga xaday warkan oo baxay 12,september,2011 halkan ka dhehoo warkaas.

Xiliga sawirka la qadayna waxa uu wasiirku booqnayay Tukaraq oo laga hirgaliyay mashaariic hormarineed halka Khaatumo lixdii casho ay jogtay ay Tukaraq keentay khimri iyo darooga sida u caadada ahayd.

Dadka sawirka ka muuqda qaarkood Khaatumo ayaa ku dishay Taleex qaarna waa saraakiisha dhawaan ka baaxsatay Somalidiidka Tukaraq.

Khaatumo in aysan been ka xishoon oo ay ishina ka aragtay bal daawo muuqaaldan hoose.


Share in top social networks!

Switch to our mobile site