Published On: 27 June 2012 8:06 pm

Isimada oo isku khilaafay dalab ka yimi xubin ka mid ah G10 Khaatumo

Share in top social networks!

Isimada beesha Dhulbahante ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa isku khilaafay codsika yimi mid ka mid ah xubnaha G10 la magaca baxay ee haga siyaasada Khaatumo.

Khilaafkan ayaa yimi ka dib markii uu Dr Cabdikariin Xasan Jaamac ku wargeliyay isimada Xamar ku sugan in loo baahan yahay in wada hadal deg deg ah lala galo maamulka Puntland, sida ay Taleex Media u xaqiijiyeen xubno ka mid ah Khaatumo.

Masuul ka tirsan Khaatumo oo xidhiidh la soo sameeyay Taleex Media ayaa caddeyay in uu arinka ah in wada hadal lala galo Puntland uu ka yimi Dr Cabdikariin oo uu ku eedeyay in uu dan siyaaadeed eeganayo oo kaliya.

Masuulkan oo codsaday in aan magaciisa la soo xigan ayaa intaa ku daray in ay tahay wax wanaagsan in ummada Islaam ah oo walaala ah ay heshiiyaan hase ahaate eedeeyn dusha uga tuuraya xubnaha G10 ee Khaatumo samaystay.

“Waxaa wax laga xumaado ah ragga shalay shacabka Dhulbahante ka horkeenay maamulkoodii in ay maantana iyagoo dantooda gaarka ah eeganaya ay yiraahdaan danteena ayaa ku jirta Puntland”, ayuu yidhi masuulkasi.

Heshiiskii Nairobi ku kala saxiixdeen saxiixayaasha Roadmap-ka Soomaaliya ayaa waxaa uu awoodii ka xuyuubyey madaxada dhaqanka iyadoo ay awood badan ku maroorsadeen xubanaha 6 ah ee saxiixayaasha loo yaqaano.

Soo xulida ergada ansixinaysa dastuurka iyo Xubnaha baarlamaanka ayaa ah mid gacanta ugu jirto guddiga farsamada ee dhawaan golaha wasiirada Soomaaliya ansixiyeen kuwaaso ay soo magacaabeen lixda saxiixayaasha.

Ma kala cadda in arinkan ka soo yeedhay Dr Cabdikariin uu yahay mid salka ku haya siysaada shaqsiyadeed hase ahate wararka qaar ayaa sheegaya in uu yahay culays kaga yimi waxgaradaka beelaha Daarood ee ku sugan Nairobi iyo Muqdisho oo sheegya in maanta loo baahanay wax Daarood kala fogeeya iyagoo sheegay baartiaan dheer ka dib in koox danao gara ah leh oo ka soo jeeda beesha Dhulabahante ay waday kala fogaynta beelaha Harti.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay u sheegay madaxda dhaqanka Daarood in ay ka ahwlgalaan sidii loo xalin lahaa Khilaafka u dhexeeya waxgaradka Dhulbahante qaarkood iyo maamulkooda Puntland.

Madaxweyne Puntland oo dhawaan kulamo kala duwan kula qaatay magaalooyinka Jigjiga iyo Nairobi waxgaradka Daarood ee ku nool ayaa ku booriyay ilalainta isku duubnida beelaha Daarood.

Shirkii Nairobi uu Faroole kula qaatay waxgaradka Daarood ayaan waxaan ka soo qyb galin garaado Dhulbahante ah oo ku sugnaa Nairobi hase ahate Taleex Media ayaa xaqiijin karta in qaar ka mid ah garaadadaasi ay si hoose ula kulmeen Faroole iyo u sheegay in uu culaysa ka haysto dad qurbajooga ah.

Isimada ku sugan Muqdisho oo indhaweyd ku isku hayey waxa ay ka qabanayaan Xamar xili dadkii ay duubka u ideen dagaalo ka dhex qarxeen ayaa hadana wax ay isku maandheefeen jawaabtii laag bixin lahaa dalbka ka yimi Dr Cabdikariin.

Inta badna garaadada Muqdisho jooga ayaa soo dhaweeyay in wada hadal lala galo Puntland lagana raaligaliyo wixii dhacay 7 bilood ee u dambaysay gaar ahaan hadaladii aflagaadada ahaa ee ka yimi qaar ka mid ah isimada Dhulbahante halka 2 ka mid ah garaadada Xamar joogana ay taa ka horyimaaden iyagoo ku doodayan cadwgooda koowaad in uu yahay Harti.

Share in top social networks!