Published On: 2 July 2012 8:38 pm

Farmaajo oo Kumanaan Dadweyne ah Kula Hadlay Nairobi [Daawo Sawirada]

Share in top social networks!

Nairobi:- Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna xoghayaha guud ee xisbiga Sinaanta iyo Cadaaladda Tayo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kumanaan Dadweyne ah kula hadlay magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya.

Dadweynahan oo isugu soo baxay barxad weyn oo ku taalla xaafadda islii ee ay Soomaalida ugu badan kaga nooshahay caasimadda Kenya ayaa waxaa kasoo qeyb galay siyaasiyiin, ganacsato, odayaal, dhalinyaro iyo haween waxaana soo qaban qaabiyay dhalinyarada fanaaniinta Waayaha cusub oo uu horkacayay Shiine Cabdulaahi [Shiine Akhyaar]

Ka hor intaanu Ra’iisul wasaaruhu halkaasi ka hadlin ayay fanaaniinta Waayaha Cusub waxay halkaasi ka qaadeen qaar badan oo kamida heesaha loogu jecel yahay ee kooxda waayaha cusub.

Digriyoow, Falis, Lixle iyo Burhaan oo ah fanaaniinta shucladda u sida kooxda islamarkaana loogu jecel yahay dhalinta waayaha cusub ayaa meesha ka qaaday heeso ay shacbigii kullanka kasoo qeyb gallay u wada riyaaqeen, islamarkaana aad u jeclaysteen.

Xafladda oo ku bilaabatay jawi aad u sareeya islamarkaana ay kasoo qeyb galleen daweyne aad u farabadan ayaa kusoo gabagabawday jawi aad u wanaagsan waxaana dadkii kasoo qeyb galay kamid ahaa qaar kamida fanaaniinta Soomaalida oo uu kamid yahay Fanaanka Cabdi Shire Jaamac (Jooqle0 oo halkaasi ka qaaday heeso kala duwan.

Dadweynaha oo ay shucuurtoodu ka muuqatay farxad aad u sareysa islamarkaana aad u sugayay Mudane Farmaajo ayaa sawaxan iyo soo dhaweyn weyn kusoo dahweeyay mudana markii uu hoolka soo galay, waxayna dadkani lulayeen callanka Soomaaliya iyagoona ku dhawaaqayay erayo ay ku weynaynayeen munaasabadda sanad guurada 52-aad ee xorriyadda Soomaaliya.

Share in top social networks!