make music movie
Published On: 3 July 2012 6:45 pm

Gen Cabdisamad oo ka hadlay dilkii Col Nadala

Gaashaanle sare Cabdilaahi Saalax Maxamed (Sawirka Keydka Taleex Media 2005)

Dowladda Puntland ayaa canbaareysey dilka taliye ku xigeenkii labaad ee ciidamada Booliska Gaashaanle sare Cabdilaahi Saalax Maxamed.

Madaxweyne ku xigeenka Puntalnd ahna sii hayaha xilka madaxweynaha Gen. Cabdisamed Cali Shire ayaa ku tilmamay dilka taliyaha mid waxashnimo ah.

Wuxuuna intaas raaciyey in laamaha amaanku ay baaritaan wadaan, rajo weynna laga qabo in gacanta lagu soo dhigo cidii falkaas geysatey.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale sheegay in falkani uu yahay mid aan horay magaalada Garoowe looga baran, islamarkaana uu yahay mid aan ammaanka wax u dhimi doonin.

Ugu danbeyntii wuxuu uga tacsiyeeyey geerida taliye Cabdilaahi Saalax Maxamed dhamaan bulshada Puntland gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ifka kaga tegey.

Taliye ku xigeenkii 2aad ee Booliska Puntland oo xalay rag aan haybtooda la aqoonsani ay toogteen waxaa maanta aas qaran loogu sameeyey magaalada Garoowe.