make music movie
Published On: 7 July 2012 12:47 am

“Ciidankii Naga Kala Yaac, Gudahana Khaatumo Lagama Ogola” (Dhageyso)

Share in top social networks!

Axmed Cilmi Cismaan oo la hadlayay taageerayaasha mashruuca Khaatumo ayaa waxaa uu muddo 30 daqiiqo ah ka hadlayay dhaqaalo la’aan iyo kaajo ba’an oo ku haysa Taleex isagoo aad uga hadlay in ciidanka uu meesha ku hayay oo uu qiray in  ay ahaayen oo kaliya qoyskiisa ay kala yaaceen.

Karaash waxaa uu sheegay in Khaatumadii lagu balamay aysan waxba ka fulin oo wixiiba ay riwaayad noqotay wuxuu caddeyay in balanqaadkii beelaha ee ahaa in ciidan iyo calafba la keeno aan la fulin.

Axmed Karaash waxaa uu aad uga hadlay in gudaha dalka gaar ahaan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn aan laga ogolayn wax Khaatumo la yiraahdo dadkuna ay u diideen in ay wax xoola ah siiyaan ciidanka.

Waxaa uu qiray Axmed Karaash in aysan jirin ciidan Khaatumo leedahay balse ciidanka uu wato ay yihiin oo kaliya beeshiisa kuwaaso uu sheegay in ay maalin waliba su’aalo weydiiyaan gaar ahaan “maxaa kaligayaga na kalifay? miiye dadkii kale? wuxuuna in taa ku daray in ay ku adkaatay sidii uu ugu jawaqbi lahaa.

Waxaa uu Karaash caddeyay in lacag la’aan darteed ay ciidankii ka kala yaaceen oo ay isaga tageen inta yar ee soo hadhay ayuu sheegay in uu ku badbaadin doono wada kasta oo suura gal ah.

Waxaa uu si rasmi ah shaaca uga qaaday in uu bilaabi doono dhicida gaadiidka wadada maraya isla ma,rkaana ay kala degi doonaan waxa saaran.

Waxaa kaloo uu sheegay in uu dadka xoola dhaqatada ah ka soo dhicidoono xoolaha si loogu badbaadiyo ciidanka yar ee beeshiisa ah ee u soo hadhay.

Axmed Waxaa uu eedeyan duysha uga tuuray laba Cali (cali Khaliif iyo cali Ciise) oo uu sheegay in ay markii hore balan qaadeen in maamulkan iyagu deberidonana balse wax lala yaabo noqotay ayuu yidhi in muddo 7 bilood ah ka dib la baryayo islaan caydh Yurub ku qaadata.

Axmed waxaa uu si rasmi ah u shaaciyay in mashruuca Khaatumo ku eg yahay oo kaliya xooga qurbajooga ah oo aan ka war hayn xaalada wadanka isagoo sheegay in dadka gudaha aysan aqoonba wax Khaatumo la yiraahdo.

Warbixinta Axmed Karaash bixiyay qayb ka mid ah

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

ama hoos ka dhagayso.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Warbixinta Axmed Karaash oo dhamaystiran isla markaana ana la tafatirin halkan ka roggo haddii aad ka mid tahay macaamiisha Taleex Media ee leh magaca(username) Premium-ka.

Share in top social networks!