Karaash oo Bambooyin ka Gudoomay Al Shabaab ah
Hogaamiya kooxda la baxday Khaatumo ee ku dhuumaalaysta inta u dhaxaysa Taleex iyo Caroolay Axmed Cilmi Cismaan (Karaash0) dadka qaarna u yaqaanin Axmed Garaabo ayaa kulan uu dhawaan la qatay koox ka tirsan ururka Al shabaab oo ka soo firxaday kooxfurta Soomaaliya ka gudoomay bambooyinka gacanta laga tuuro oo tiradoodu dhan tahay 120 xabo.
Xubno ku wehliyay kulankaas Karaash la qaatay kooxda Argagaxisada oo ka dhacay miyaga Taleex ayaa xaqiijiyay in la gudoonsiiyay tiro bambooyin ah oo ah nooca F1 loo yaqaano.
Sida ilo xog ogaal ahi Taleex Media u sheegeen waxaa bambooyinka uu Axmed Karaash qayb ka mid ah bambooyinka u qaybiyay ciidan dhawaan ka soo goostay Puntland oo aan wax hub ah sidan kuwaas oo uu ku amray in ay bamb gacmeedkaasi ku qalqalgeliyaan gaadiidka maraya wadada isku xidha Laascaanood iyo Garowe.
Waxaa jira muuqaal laga soo duubay kulanka dhexmaray Karaash iyo Al Shabaab kaaso la soo dhigay Youtubka.
Horaantii sanadkan ayaa wxaaa kooxda Khaatumo taageeray hogaamiyaha Al Shabaab Axmed Cabdi Godane (Abu Zubeyr) isagoo u hambalyeeyay natiijadii ka soo baxday shirkii Taleex ee ay afduubeen koox danley ah.
kulankaas iyo bambooyinka la siiyay Karaash ayaa daaha ka roggaya tuhunkii horay u jiray ee ahaa in uu xiriir ka dhaxeeyo Khaatumo iyo Al shabaab.













