Published On: 12 July 2012 12:26 pm

Axmed Karaash oo lagu wargeliyay in uu iska tago markii laga dan gaaray

Ninka iska leh mashruuca Khaatumo Seeg Cali Khaliif Galaydh ayaa ku wargeliyay Axmed Karaash in uu sida ugu dhaqsaha badan u dhigaa adeegsiga magaca Khaatumo maadama uu dhamaaday xiligiisii hadana loo baahan yahay mid kale oo danta lagu fushado.

Warka soo baxay mulkiilayaasha Khaatumo ee ku sugan Muqdisho waxaa fariin cad loo diray Axmed Karaasha iyadoo fariintaasina lagu yidhi “wuu dhamaaday xiligaagii 18 ka bishan kaama maqli karno sheegashada Khaatumo”.

Axmed Karaash oo muddadii uu xillka u hayay Galaydh aan shilin lacag loo dirin ayaa ku doodaya in uusan ka degi doonin xilika Khaatumo Seeg ilaa laga siinayo lacag qaansheeg ah oo dhan nus malyan doolar.

Muddaddii 7 bilood ahayd ee uu mashruuca Khaatumo Seeg shaqaynayay ayaa waxaa laguary lacag dhan 1.5 milay doolar taaso uu hayo Cali Xaaji Cige oo ah qasnijaga Cali Khaliif.

Axmed Karaash ayaa xilika Khaatumo seeg ku helay dhawr arimood oo tan ugu weyn ahayd qancinata Garaad Saleebaan oo culays kaga yimi dhinaca xaaska oo ay Axmed isku jifo yihiin.

Iyadoo kooxda mashruuca Khaatumo wadataa ay ka doonaysay kasbashada Garaad Saleebaan ayaa waxaa ay iyagoo aan raali ka ahayn xil u magacaabeen Axmed Karaash.

Shir dhinaca taleefanka ah ee ay isugu yimaadeen dhawaan xubnaha saamilayda ka ah mashruuca Khaatumo ayaa waxa ay isku raceen in Axmed Karaash dhaawacweyn u gaystay muddadii 6 bilood ahayd ee uu xilka u hayay balse dhinaca kale qirtay in madaxa Garaad Saleebaan beeshiisa qurbajoogooda looga helay lacag aad u badan.

Taleex Media ayaa ogaatay in Galaydh qorsheeyay in Indhosheel oo ku sugan Buuhoodle la magacaabo Biindhena loo diro Taleex Axmed Karaashna la wado sidii loogu qancin lahaa in uu yimaado Nairobi oo lagu hayndoono inta la soo afjarayao mashruuca Khaatumo seeg oo ku eg doorashada madaxweyna Soomaaliya.

Axmed Karaash intii uu xilka Galaydh u hayay waxaa uu dhibaato badna u soo jiiday beeshiisa tan ugu darana ay tahay iyadoo maanta maamulka Soomaalidiidku dul fadhiyo Xuddun iyo Awrbogays taaso ka dhalatay ka dib weerar gaadma ah oo dad reer miyi ah Axmed Karaash ku soo laayay degaanka Gawsaweyne.

Axmed Karaash dayn fara badna ayaa lagag lee yahay degmada Taleex taasina waxa ay ku kaliftay in uu ka soo cararo Taleex una soo wareegay Caroolay.

Godob sokeeye oo uu beeshiisa u soo jiiday taasina dhalisay in ay ka qaxaan laamiga dheer ee Tukaraq iyo Garowe u dhexeeya ka dib markii uu Axmed Karaash goor habeenimo ah weerar ku qaaday dhalinyaro reer Tukaraq ah oo hurday.

Axmed Karaash alfatigiisa oo maanta la’ meel uu ka baxo maadama xukumada Puntland ka mamnuucday dhulka ay ka taliso isla markaana xeer ilaalintu amar ku bixisay in la soo xiro maadama uu hanti ka dhacay xukuumada intuu wasiirka ka ahaa.

Dhinaca kale hay’afdaha lada gaalnka argagaxisada caalamiga ah ayaa baaraya muuqaal dhawaan laga soo duubay kulan dhexmaray Axmed Karaash iyo koox Al shabaab ka mid ah oo ku dhuumalaysanaya Garowe iyo Taleex dhexdooda.

Haddii la xaqiijiyo muuqaalkaasi ayaa waxaa uu Axmed Karaash ka mid noqonayaa liiska aragagaxisada caalamiga ee la baadigoobayo waxaana suura gal ah in lagu daro liiska dadka aan diyaaradaha raaci karin ee loo yaqaano “No Fly List” kaaso hada ka hor lagu daray Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) xiligii ahaa hogaamiyiihii SSC.