Published On: 13 July 2012 12:15 am

Axmed Karaash oo Waayay Taageeradii Reer Xuddun (Opinion)

Ninka lagu magacaabo Ina Gaadhgaadh ee u shaqeeya mashruuca khaatumo Seeg ee Cali khaliif macmacday waa Axmed karaashe. Ayaa waxaa la soo daristay xaalad dhaqaalo xumo iyo taageero la’aaneed kadib markii laga yaacay mashruuca fashilka iyi foolxumada Dhulbahante loo samaystay.

Axmed ayaa hadda ku sugan meel lagu magacaabo FADHI YAR oo ah nuugaasha u dhaxaysa Taleex iyo Caroolay. Miskiinkan la khalday ayaa hadda waxaa taageera oo kaliya Islaan hilible ah oo ku sugan maagaalada Xudun. Taaso  ay isku raas yihiin Axmed  waxayna u qaabilsan tahay in ay u soo dhexmarto   islaamaha kale ee isugu jira hiliblaha iyo qudaarlayda ee ka ganacsad suuqa xudun. Waana meesha uu hadda ka helo xoogaaga masaariifta ah kadib markii loo diiday in loo soo diro wax lacaga.

Marka la eego maagalada Xudun oo uu qoys ahaan ka soo jeedo Axmed Miskiin ayaanu hadda wax taageero ah ku haysan gaar ahaan waayeelka iyo waxgaradka beeshiisa yagoo uga yaacay caqli xumo iyo garasho laaantiisa….Hadaan wax yar ka soo qaato waxaa Axmed si weyn uga soo horjeeda waayeelka Reer Cabdale(qooyska Axmed) sida  JAAMAC ISMAACIIL WARAABE,MAXAMED JAAMAC CADE( waa odayga dhalay gabadha Axmed booska la doontay ee uu qabo Garaad Saleebaan, iyadoo dagal hoosaad la gashay  odaygeeda kadib markii Axmed uu Sariirta hoosteeda olole ka  galay) QAWDAHN DUCAALE DHEEG,INA LIBAAX SALAAX, CAAQIL CUMAR ASKAR. Iyo kuwa kale oo badan.

Axmed  ayaa ah nin ka shaqayn jiray Hotel ku yaala Magaalada Boston ee cariga Maraykanka halkaas oo uu dadka yimaada Hotelka uu shandadaha u qaadi jiray mudo badan in tii aan Gen Abdisamad wasiirka ugu yeedhin. Axmed waxuu magaalada Garoowe yimi 18/02/2009 xili galabnimo ah waxuuna ku soo dagay Hodel Global ee magaalada Garoowe.

Isla habeenkaas waxaa Axmed uu shiriyay xoogaa odayaala oo Bihidaray ah isago u sheegay in aanu xaq u lahayn wasiirniminmada ee uu leeyahay Booska Madaxwayne ku xigeenka Puntland, mid kamida waayeelkii meesha fadhiyey oo lagu magacaabo  BUUREED ayaa la yaabay hadalka ka soo yeedhay ninka odaygaa waxuuna kula taliyey in aanu mardanbe hadalkaas odhan lana maqal.

Ilaa iyo maalintaas axmed waxuu u waalnaa in uu Madaxwayne ku xigeen ka Puntland uu noqdo dhib badana waa uu gaystay dawlad iyi shacab ha ugu danbayso dadkii masaakiinta ahaa ee uu gaadaha ku dilay taasoo sababtay in manta magaalooyinka XUDUN iyo AWRBOOGAYSBA  ciidan dulfadhiyo.

Axmed waxaa shaqadii uu u hayey uga hadhy 3 casho iyadoo lasheegayo in loo sheegay in uu u diyaargareeyo shaqada raga ku xiga saga……waxaan filaynaa Axmed in uu diidi doono waajibaadkaas la siiyey sababtoo aha Axmed waxaa ku dheer waqtiga doorashada Puntlana oo ku began 01/08/2014…intaasna ma sugi karo Axmed markaa waa inuu sii joogaa 12ka bilood ee mashruuca Khaatumo seeg u hadgay.

Cali Maxamed Aadan
Xuddun,Somalia