Published On: 17 July 2012 6:05 pm

Saadiq Abshir: ”Ergada Ansixinta dastuurka, Puntland waa u diyaar” (Cod)

Xubnaha guddiga farsamada xulista ergooyinka ansixinta dastuurka iyo barlamanka DF Somalia ayaa maanta 17 July,2012 ku dhawaaqey inay diyaar yihiin liiska ergada Puntland uga qaybgalaya shirweynaha afti u qaadida dastuurka Somalia.

Xubnaha guddigan ayaa kala ah Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad ,Faadumo Ibraahin Aadan oo ka socota Bulshada Rayidka ,Jaamac Dhega Dheere oo ganacsatada matalaya iyo Maxamed Jibriil oo qurbajoogta ka socda waxana ay hoos tagaan guddiga Qaran ee farsamada xulista ergooyinka.

Kulan wareed ay ku faahfaahinayaan arintan ayay maanta ku qabteen Garowe guddigan waxana uu Saadiq Garaad sheegey in beelaha Puntland u soo gudbiyeen dadka u matalaya shirweynaha iyaguna doorkoodu ahaa inay ka fiiriyeen shuruudihii lagu heshiiyey shirkii Garowe2 ee looga baahnaa ergada ansixineysa.

Saadiq waxa uu cadeeyey in magacyada la soo gudbiyey inay yihiin dad u qalma inay ka qayb qaataan dadaalada dib loogu soo celinayo qarankii Somalia isagoona raaciyey in ay gabo gabo mareyso hawsha xulista mudanyaasha Barlamanka Somalia.

Sidoo kale Xildhibaan Saadiq Abshir waxa uu qalinka ku duugey inay Dowladda Puntland  wax door ah  aysan ku lahayn ergadan ay soo xuleen odayaasha dhaqanka beelaha dega Puntland oo kaashanaya Bulshada rayidka.

Dhinaca kale Faadumo Ibraahim oo madax ka ah dalada ururada bulshada rayidka Puntland ayaa dhankeeda baaq codsi u dirtey xafiiska siyaasada Qaramada Midoobey Somalia (UNPOS) iyo DF Somalia inay dedejiyaan hawsha qaadista ergada Puntland si ay uga qaybgalaan shirweynaha Dastuurka (NCA).

Waxay sheegtey inay diyaar yihiin ergada Puntland u ansixineysa dastuurka islamarkaasina DF Somalia looga fadhiyo diyaarinta goobihi ay degi iyo fududeynta hawlaha dhiman.

Shirweynaha lagu ansixinayo dastuurka Somalia oo in badan dib u dhacey ayaa ilaa iyo haatan si rasmi ah loogu dhawaaqin xiliga uu qabsoomayo iyadoona horey wasiirka dastuurka DF Somalia Cabdiraxman Xoosh sheegey in ergadu Muqdisho ku suganyihiin 75%.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.