Published On: 18 July 2012 1:10 pm

Axmed Karaash oo ay ku adkaatay saaka in uu Boocame u talaabo (Fulaynimo darteed)

Axmed Karaash oo ah ninka hayay xilkia mashruuca Khaatumo Seeg ayaa saaka waxa aku adkaatay in uu u gudbo magaalada Boocame ee gobolka Sool.

Karaash ayaa doonaya in uu Boocame ugu tagao nin lagu magacaabo Indho Sheel oo uu Galaydh u soo dirsaday in uu xilka kala wareego Karaash.

Ka dib markii uu Indhosheel ka baqay in uu aado Taleex ayaa waxaa u si dhuumasha ah ku yimi Boocame halkaas oo uu xiriir taleefan kala sameeyay Karaash isla markaana la amray in uu yimaado Boocame si uu xilka mashruuca Khaatumo seeg u wareejiyo.

Axmed oo ah nin si weyn loogu yaqaano fulaynimo auyaa waxa asaaka uu awoodi kari waayay in uu ka talaabo wadada laamiga si uu u tago Boocame.

Dhinaca kale Taleex Media ayaa ka war heshay in ciidamada komaandoosta ee dawlada Puntland ay saaka u dhaaqeen magaalada Boocame si ay halkaasi uga sifeeyaan canaasiirta Khaatumo Seeg ee isku uruursaday waxaana ay sidoo kale roondo ka hayaan wadada laamiga ah iygoo qaba amar ah in ay nolol iyo geeri mid ahaan ku soo qabtaan Axmed Karaash oo loo haysto faldambiyeedyo argagaxiso ka dib xiriir wada shaqayn oo dhawaan dhexmaray Karaash iyo koox ka tirsan Al Shabaab.

Axmed Karaash ayaa dhawaanahan waxaa uu ku sugna goobka tirsan dooxada Nugaal oo la yiraahdo Fadhi yar oo u dhaxaysa Ccaroolay iyo Taleex.

Karaash ayaa Taleex ka soo qaxay ka dib markii ay is bahaysteen shacabka xoola dhaqatada ah ee miyiga degmada Taleex oo ka cadhooday hadalkii dhawaan uu sii daayay ee ahaa in uu dhicidoono xoolaha dadka iyo wadaada timo weynta oo iyana ka cadhooday xiriirka Karaash iyo Al Shabaab ku dhexmaray dhawaan duleedka Taleex.

Dhinaca kale maleeshiyada Axmed Karaash ee qoyskiisa hoose ayaa iska dilay nin ka dib dagaal gacan ka hadal ah oo dhexmaray.

Sida ay dad goob jooga ah u sheegeen weriyahayaga waxaa dagaalku ka qarxay ka dib markii ay qaar ka mid ah dhalinyarada Karaash la socota ay go’aansadeen in ay isaga tagaan isla markaana dib ugu laabtaan deegaamdii ay ka yimaadeen gaar ahaan magaalada Xuddun.

Waxaa gacan ka hadalkaasi ku dhintay hal nin iyadoo tiro kalana ay ku dhawaacmeen. Ninka dhintay iyo dhawaacaba waaxa ay ka soo jeedaan qoyska Axmed Karaash.