Ahmed Karaash oo Xudun weeraray
Hogaamiyaha maleeyshiyada khaatumo seeg oo beryahan beydad ku jirtay ayaa weerar naf la caari ah kula dul habsadey deegaanka xudun, taasoo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawanba leh. Axmed Karaash oo markii magaca madaxweyne-ku-sheegnimada iyo saddex Kombuyuutar uu ku wareejiyay Indhosheel ayaa meeluu maciinsado isagoo la’a isku soo miidaamiyay Xudun isagoo ay caado u noqatay inuu maalin walba uu beelaha dega Nugaasha, gaar ahaan Taleex, Xudun iyo Tukaraq isku gubo oo dagaal ka dhex oogo.
Warar hordhac ah oo lagu kalsoonaan karo oo soo gaadhaya shabakada Taleex Media ayaa sheegaya in dhimashada ilaa iyo hada la xaqiijiyey hal qof iyo tiro kaloo dhaawac ah isku jifina ah.
Xaalada degmada Xudun ayaa hada ah mid aad u cakiran, inkastoo wax garadka iyo odoyaasha deegaanku ku mashquulsanyihiin sidii ay mashaqadan wax uga qaban lahaayeen una qaboojin lahaayeen.
Waxii warar ah ee ka soo kordha mashaqadan foosha xun iyo weliba war bixin khaasa oo ku saabsan tacadiyada, dhagarta iyo dhiiga sokeeye ee Axmed Karash iyo xulafadiisu ka geysteen deegaamada SSC kala socda Taleex Media Online.














