Published On: 23 July 2012 12:34 am

DARDAARAN

Sayid Maxamed Cali Cilmi Ciid

Assalaamu Calaykum Waraxmatullahi Wa Barakaatuhu,

Haddii aad maqaalkan akhrisanaysid waxaa hubaal ah inaan labada daarood tii loo badnaa aan u xijaabtay anigoo ah Maxamed Cali Cilmi, geeriduna waa xaq qofkastana way sugaysaa; samra oo iimaansada safarkaygan aan cidina baajin kareyn.  Waa safar aan sugayey diyaarna u ahaa. Ugu horeyn waxaan halkan ka farayaa qoyska aan ka tegay, xaaskayga iyo ubadkeyga, ehelka, qaraabada iyo saaxiibadayduba inay samir iyo iimaan la yimaadaan kuna qancaan qadarta Eebe, Subhanallah.

Taageerayaasha iyo akhristayaasha Taleex Media waxaan idin leeyahay safar salaama iyo janno ku kulane, Insha Allaah. Haddii gacan iga xaq darani i dishay, fal denbiyeedkaasi iyaduun ha ku koobnaato cidkalena yaan lagu denbaabin loona raacin.  Ha tiiraanyoonina hana calool xumaanina, iina soo duceeya xasuustana inaad tidhaahdaan “ Innaa Lillahi Waa Innaa Ileyhi Raajucuun”.

Waxaan idiinku bishaaraynayaa in hawshii aan idiin hayey halkeeda kasii socon doonto aana u tabo baray ugana tegay rag iyo haween aniga iiga tayo iyo tacliinba mug-weyn haday noqoto amuuraha tifatirida amabase xirfadaha  toosh ku ifinta daalamiinta mugdiga ku dhuumaalaysta ee caadaystey kuna bahoobay dibindaabyada iyo hagardaamada danaha dadkeena iyo dalkeenaba. Maqaalkan ayaana ka marag kacaya in aanan cidla idiinkaga tegin godkana aanan la gelin macluumaadkii Taleex Media , balse aan idiin diyaariyay intaan dunida joogey sidii iyo cidii hawsha wadi lahayd hadday dhacdoba inaan aduunka ka tago, bes ama biriba ha sababtee.

Waxaan idin xasuusinayaa marxalada aad hadda ku jirtaan ee aan idinkaga tegay waxay u dhigantaa tii uu Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ka tiriyey gabaygiisii “dardaaran” xiligiisii u danbeeyay. Waxuu ahaa gabay  dhiirigalin iyo dardaaran iskugu jira. Daraawiish oo Ingiriis iyo dabadhilifyadiisu gumaadeen oo dhulkii ay ka talin jirtay oo dhana kasoo baxday, aadna u niyad jabsan ayuu Sayidku ku dagaalgelinayey, doc kaloo toganna wax ka tusayey. Wali xoogbaan leenahay gaalkana waynu iska dhicin karnaa ee dagaalama oo yaan la isu dhiibin gumaysiga ayey dulucdiisu ahayd. Anna waxaan halkan ugu soo xiganayaa inaan idin dareensiiyo inaad xog, xoog, xeelad iyo xoolaba leedihiin kuwa xumekataliska ahna aad xididada si sahlan ugu siibi kartaan , xasuustana sidii aan anigu u xishay xiligaan dunida idinla joogay in dabadhilifyada aan dadka iyo dalkaba uga digo xitaa haddii la igu dilayo, haddii aan maal iyo maamuus aduunyaaad doonayana ay daaduufyadaasi wax walba diyaar iila ahaayeen wax badana damceen iyagoo geed gaaban iyo geed dheerba u fuulay inay i laaluushaan, balse aan gaashaanka u daruuray oo sutida u qabtay.  Hawl kama daalayaal waxaan idikula dardaarmayaa inaad halkaa halganka kasii wadaan, doolarada lasoo dawersadeyna ha ogolaanina in la idinku baayaco, fariinta aan dhowaan idinka helaana  ha noqoto:

Allow yaa dabbaaldegiyo farax kala dul eedaama

Fardaha yaa dirkii dhooddi meer doona faracdiisa

Allow yaa darmaan farataqaan duqa u kooreeya

Allow yaa duleeddada Taleex uga dammaashaada

Dhaaxuu ku daakiray xaqoo naga dahsoonaaye

Ha daawado dadkow hiiliyo doogga soobbaxaye

Allow yaa dalluuntiyo qabriga dib uga soo saara

In dariiqadi nooshahay ooy dunida soo gaadhey

Oo dabkuu shiday rag kale dogobbo sii saaray

Allow yaa af lama daaliyee daacad ugu sheega!

Waxaan qoraalkan kusoo gebagebaynayaa  gabaygii dardaaran ee Sayidka anigoo is leh waa mudantahay in maanta markale la is xasuusiyo xigmaduu xambaarnaa:

· Min dalaysan doocaan irmaan, deero labankeeda

· Darmo iyo furaash la isu dhigay, daalan iyo googgo’

· Anigoo waxaan doono iyo, darajaday haysta

· Dingaraaradii nagu dhacdiyo, diiftii nala taartay

· Dayuurado gaawan iyo wixii, nala dul gawriirshay

· Waagii dillaacaba wixii, naga dul meeraayey

· Inkastoonu qaar daadinoo, deli ka tuuryeynay

· War deexdii baddii Daalo iyo, dalalyadii xeebta

· Dulkii aanu joognaba wixii, nagu duqaynaayey

· Dumbuq summuca degalkaan ka kacay, dahab wixii jiifay

· Dallaadii bannaanayd wixii, dad iyo maal joogay

· Dagal jabay wixii daar burburay, ama bakaar duugmay

· Duurka iyo hawdkii wixii, duunyo lagu dhaafay

· Lo durdura wixii nalaga dhacay, dalawidii geela

· Adhi daad masaalkii ah wixii, nalaga sii daayey

· Nin dooriyo wixii sheikh la dilay, culumadii diinka

· Wixii duubcaddii ay wadhnayd, Bixin duleedkeeda

· Dooxada Garoowe ah wuxuu haadku, dul u faagay

· Dirirtii Nugaaleed wixii, nalagu dooxaayey

· Wixii diricyadaydii kufrigu, daabaca u qaaday

· Duqow iyo dhallaan iyo waxaan, dumar na loo reebin

· Maxajabad daboollayd wuxuu, gaal dukhuulaayey

· War caadhkii dahaadhnaa wuxuu, dubuq ku siinaayey

· Gabdhahay dillaacsheen wuxuu, dhiigu dibiq leeyey

· Dan la’aan waxay nagu faleen, darab nijaaskeedku

· Dubuhii ikhwaankii ku dhacay, dacatigii gaadhay

· Dariiqii Rasuulkiyo wixii, diinta laga jiitay

· Dabradii waraabe iyo furuq waxa, dadkii xaaqay

· Iimey degteedii waxay, duumo nagu laysay

· U duuflaalideedii waxaan, Doollo uga guuray

· Daltabyeysigii nagu dhecee, duufka na cunsiiyey

· Dacluulka iyo ciilkii waxaan, dibinta ruugaayey

· Dulinkii kaneecada waxaan, duudka ka cadhownay

· Dusha Go’ane waxa awgayow, nala dubaaqyeeyey

· Daandaansigii nagu qabsaday, webiga diishiisa

· Durqunkii Warneefkii qabsaday, dibidii noo joogtay

· Diihaal wixii uu na baday, daafi cunidiisa

· Dabaley Caruusaad waxaan, deris xigaal moodnay

· Durufley Amxaaraad waxay, nagu dinaahyeysay

· Dullihii shareeraa wixii, daal na caga gooyey

· Iyo duni wixii nagaga lumay, dararkii Ceeldheero

· Dul-ku-neefle kaan soo ag maro, duullaan ka hor geyska

· Dubbayaal wixii nagu dhacee, na lagu daaduunshay

· Annagu diidi maynoo wadkaa, Daayin noo qoraye

· Ninkii dunida loo deynayaa, haygu diirsado e

· In kastoo daleel nala dhigoo, docna nagu cayman

· Mar haddaan cid laga daynahayn, mowdka damaqdiisa

· Ragga haatan soo diganhayow, dan iyo xeeshaada

· Dacwaddaasi waa midaan niyada, samir ku diimeeyey

· Waa mid damisay cadhaduu qalbigu, ila dikaamaayey

· Dabuub kalena waa hadal yaroon, diirka ka caddeeyey

· War Daarood Ismaaciil ma oga, dooxa loo qodiye

· Waa niman dufooboon arkayn, deyr in loo dhigiye

· Waa wada damiin aan kasayn, daalinka hoosyaale

· Waa niman Illaahay dadoo, doorshay oo hodoye

· Waa niman daboolmoo qalbiga, daabac kaga yaale

· Dib wixii u dhici waa waxaan, dooc ka garanayne

· Doqonimo darteed waa wixii, iigu diirsadaye

· Waa wixii dabaaldegay anuu, gaal isoo dilaye

· Waa wixii durbaansanahayeen ii, dub nixi hayne

· Xadhkaheer u daadsane misana, ciidda lagu duugay

· Oo doora weynow kufrigu, dul uga saynsaabay

· Markaan dunida dhaafaa walee, lagu dabaayaaye

· Igu diima aa ama dafarid, igula doodaaba

· Wuxuu gaalku daayaaba waa, dayrtan maanta ahe

· Maxay igaga digan saadambuu, siin lasoo degiye

· Afartaa intaan deel ku dhigay, dow ma qabadsiiyey

· War deelqaafku waa ba’anyahee, daacad ma u sheegay

· Dacwad kalena Soomaali waa, hal aan dareensiiyey

· Gaalada dirayska leh anaan, daabadda u qabane

· Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe

· Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e

· Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne

· Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale

· Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye

· Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye

· Durdurada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye

· Anaan labada daarood tan hore, darajo moodaynin

· Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye

· Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis galine

· Sida doxorka Iidoor anaan, duud xamaal noqone

· Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine

· Anigaan dillaalkiyo arliga, duubigaw xidhane

· Anigaan dariiqada Alliyo, diinta cassiyine

· Daliilkii rasuulkii anaa, doonayoo helaye

· Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqii naareede

· Anaan labada daarood tan hore, darajo moodayne

· Markay duusho gaaladu anaan, daabbaddu rarine

· Goortay dareeraan anaan, diiradda u qabane

· Dadow maqal dabuubtaan ku idhi, ama dan haw yeelan

· Dunjigiinba waataad kufriga, daba ordayseene

· Waataad iigu daranteen markaan, diiday oo nacaye

· War waatow digayseen markaan, duulan soo waco e

· Waataad colaadii dorraad, iigu daranteene

· Markaan diirtay waataad dushiyo, doc iga boobteene

· Waataad markii aan dafaray, daaha galiseene

· Waataad dushiina u rarteen, duq iyo waayeele

· Waatowla daristeen sidii, duul walaalo ahe

· Markaan didiyey waataad warmaha, igula duusheene

· Gortaan digniintiyo ergada, idinka deyn waayey

· Waataad damiin igu qirteen, dawriyoo falane

· Dikriga iyo eedaanka waataad, ka durugteene

· Waataad inuu dawlad yahay, dood ku bixiseene

· Dibnihiina waataad inuu, dego ka sheegteene

· Waa taad dariiqyada barteen, noo dadnaan jiraye

· Goortuu dantiisii helee, idin dubaaqeeyey

· Waataad dacluuskii Berbera, ula dawaafteene

· Diihaalka waataad Hindiga, daal ka barideene

· Dagaagiina waatii xeryaha, deyran loo dhigaye

· Waatuu dareersaday fircoon, diracyadiiniiye

· Waatuu diyaar ugu laqimay, diinta gaalada e

· Damac beena weeyaan waxaad, nagu dilayseene

· Waa waxaad dariiqii sharciga, uga dullaanteene

· Dawgii Rasuulkiina waad, dabamartayseene

· Nin dardaran iblayskii dafaa, dow ka raaridaye

· Dallacaad jaceylbaad kurtiin, noola dirirteene

· Dubaaqii waxaa idinka galay, daaro buuxsade e

· Dawo kama heshaan faranji aad, daawo dhigataane

· Dabinbuu idiin qoolayaa, waydin dagayaaye

· Dirhamkuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane

· Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey

· Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye

· Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne

· Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon waa mooge

· Denbi weeye Kufriga, aad u dabcaysaane

· Marka horre dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye

· Mugga xiga dushuu idinka rari, sida dameeraha e

· Mugga xiga dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada e

· Mugga xigana daabaqadda wuu, idin dareensiine

· Dunjigeeda Soomaalibaan, deyrka ka ahaaye

· Dhaaxaan Daraawiishta idhi, doonta gaalada e

· Dhaaxay asgaro uu dalbaday, dabada taageene

· Dhaaxaan dabkii iyo la hadhay, duunyaduu wadaye

· Dhaaxaan intaan janano dilay, soo dabaaldageye

· Dhaaxaan dekado uu camiray, dumiyoo rogaye

· Ninkiisa dirirta geya maalinbay, dunidu ciishaaye

· Maantaan dabaaldegga iyo, darajo eegaayey

· Ragga haatan igu diimayow, duxi ha kaa raacdo.

 

Waxaa diyaariyey: Taleex Media editor

Maxamed Cali Cilmi Ciid.

____________________________________________________________________________________________

Xusuusin: Alle ha u naxariistee Sayid Maxamed Cali Cilmi Ciid waxuu ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay duleedka Garoowe  taariikhdu markay ahayd 20-kii bishii Julaay ee 2012-ka.Waxay ahayd maalin Jimco ah oo ah maalinta maalmaha ugu kheyrka badan,iyo bisha barakaysan ee Ramadaana oo ah bisha bilaha ugu kheyrka badan, wuuna soomanaa. waana calaamadaha ehlu janada. Haddaanu nahay hawl wadeenada bahda Taleex Media Online-na waxaan Illaahay uga baryeynaa denbi-dhaaf iyo Janatul fardowza, Aamiin.