Published On: 23 July 2012 6:31 pm

Maxaad ka Taqaan Taxanaha Sooyaalkii Warbaahineed ee Maxamed Cali Cilmi Iyo Jaamac Maxamed Nuur Jeelle

(Xigasho Punlandi.com) Posted by PI on  July 23rd, 2012 by Cabdirashiid Maxamed Xaashi “Duqa
__________________________________________________________________________________________________

Bariido suubban kadib, waxaan dhanbaalkan kooban ku xusayaa baal ka mid ah taariikh nololeedkii Jaamac Maxamed Nuur Jeelle iyo Maxamed Cali Cilmi. Waxay ahaayeen labanin oo aan si wayn u aqaanay, gaar ahaan baal ka mid ah waayihii noloshooda, waa baal ama bog ku suntan laabtayda oo xanbaarsan dhacdooyin 12 sano kor u dhaafaya, waa baalkoodii dahabka ahaa ee WARFAAFINTA.
Markii saaxiibkay uu ii sheegay geeridaas naxdinta leh, waxaa maankayga ku soo dhacday cajilad qurxoon oo ii muujisay 10-kii sano ee u danbaysay noloshooda oo aan si buuxda uga war qabay, ilaa ay soo gaadhay subaxan uu saaxiibkay ii sheegayo warkan naxdinta leh, mar kale waxaa i hortimi geeridii oo huwan naxdin iyo xaq wada socda, waxaan ilaah uga baryay in uu ku sooro labadan marxuum janatul firdowsa ubadkoodana uu u dhowro isagaa mulkiga lehe (S.W). Waxay go’een maalin khayr-qabta, Ramadaan jimce ku daahfuran, waxay go’een iyaga oo ku fooggan baalkoodii dahabka ahaa ee warfaafinta.

Jaamac Maxamed Nuur (Jeelle)

Aan ku horeeyo Jeelle, waayo isaga ayaa ku soo horeeyey warfaafinta, Jaamac Eebboow kuu naxariiso. Wuxuu baalkiisa warfaafinta ka bilaabay Radio Laascaanood oo ahaa raadiye madax bannaan oo xaruntiisa koobaad ku taalay magaalada Laascaanood, wuxuu marxuumku ka mid ahaa raggii aasaasay idaacadaas, wuxuu markii koobaad farsamo ahaan ku guulaystay in uu u bedelo taarka ama fooneeyaha idaacad gudbin karta jabaqda/codka oo loo adeegsan karo wargalinta iyo isgaadhsiinaha kale.

Fikradaasi waxay wax wayn ku kordhisay raggii kale ee iyaguna ku taamayey in idaacad loo sameeyo magaalada laascaanood, iskaashi dabadiisna waxaa taariikhda markii u horaysay ka hadashay magaalada laascanood idaacad gudaha laga leeyahay, waxaa aad ugu mahadsanaa dadaalkaas Agaasimaha radio Laascaanood faysal Jaamac Aadan oo fikradaas lahaa, Jamaal Sulaymaan Warsame oo ahaa wariyihii koobaad ee war ka akhriya idaacadaas iyo Cismaan Cabdi Nuur Xaashi oo ah aabaha warfaafinta mandaqadda iyo dhallinyaro kale oo rag iyo dumarba lahaa oo anaan wada xusi Karin.

Jaamac, wuxuu ahaa ninka ugu shaqada badan xiliyadii u horaysay idaacadda radio laascanood oo labilaabay dabayaaqadii 1999-kii, si quruxbadanna wuxuu farsamo ahaan reedyowgu ula jaanqaaday qarniga cusub ee 21-aad.

Waxaan aad ula yaabaa sida fudud ee uu Jaamac Maxamed Nuur “Jeelle” ula qabsan jiray aalad walba oo cusub oo ku soo biirta agabka idaacdda iyo sida uu waxyaabo dheerada uga allifi jiray, tusaale ahaan haddii jeelle ay soo gaadho aalad loogu talagalay muuqaal gudbinta waxaad arkaysaa isaga oo muddo kooban aaladdaas u bedelaya una adeegsanaya cod gudbin.

Wixii ka danbaysay 2003 waxaa radio laascaanood ku soo biiray qayb cusub oo loogu talagalay in ay dibadda lahadasho waa dhinaca mareegta intarnetka oo caalami ahaan looga dhagaysan jiray wararka iyo barnaamijyada kala duwan ee idaacaddu baahiso. Dhinacaasna wuxuu marxuumku ka qaatay qayb libaax wuxuu muddo kooban kula qabsaday farsamada isku xidhka internet-ka iyo software-dii lagu shaqayn jiray xiligaas.

Wuxuu noqday webmaster-ka idaacadda kaas oo masuuliyaddiisu ahayd in uu ku baahiyo bogga internet-ka baahin kasta oo idaacddu leedahay, sidoo kalena uu la socdo jaaliyadda dibadda iyo waxyaabaha dheeriga ah ee ay uga baahanyihiin in ay ka maqlaan wadankooda. Arrintaas Jaamac si wayn buu ugu guulaystay mudadii uu hawshaas u xilsaarnaana waxaa kor u kacay tirada soo

booqata bogga raadyowga, wuxuu sidoo kale ku guulaystay in uu abuuro barnaamijyo dheeraad ah oo uu qurba joogta tadobaadkiiba halmar rayi ururin kaga qaadi jiray, taasina waxay sharaf u ahayd baahinta idaacdda.

Jeelle ilaah ha u naxariistee wuxuu ahaa farsamayaqaan heersare ah wuxuuna ka mid ahaa labada farsama yaqaan ee radio laascaanood ugu gacanta wanaagsan waa isaga iyo Cali Yuusuf Axmed “Cali hadhiye”.

Anigu, qof ahaan, marxuumka waxaan muddo ka soo wada hawlgalnay isla reedyowgaas, mudadaas aan shaqa wadaagga ahayn ayaa si dhow ii bartay shakhsiyaddiisa, wuxuu ahaa waday qaaliya, saaxiib wanaagsan oo dhammaanba bahdii radio laascaanood ay aad u jecelyihiin. Duruufta lagu shaqaynayey oo aad u adkayd xilligaas, wali maan arag mudadaas aan wada shaqaynaynay Jeelle oo ay shaqada cid isku maandhaafeen. Allow kuu naxariiso wuxuu ahaa saaxiiib marwalba faraxsan oo aanay saamayn ku yeelan duruufta adag iyo tan qabow toonni.

Oktoobar 2007- dii kadib ayaa redio laascaanood arrimo siyaasadeed loo xidhay, wuxuu markaas marxuumku ka mid ahaa warfidiyeenadii idaacdaa ee u shaqa tagay gobolada kale, gaar ahaan wuxuu Jeelle ka shaqa bilaabay qaar ka mid ah idaacadaha ku yaalla magaalada garoowe oo uu muddo kooban ka shaqaynayey.

Jaamac Maxamed Nuur “Jeelle” wuxuu mudooyinkii danbe ka hawlgali jiray madaxtooyada Maamul goboleedka Puntland halkaas oo uu ka mid ahaa wariyayaasha madaxtooyada, gaar ahaan wuxuu qaabilsanaa sawirqaadista iyo dhinaca bogagga Internet-ka.

Maxamed Cali Cilmi

Marxuumku wuxuu baalkiisii dahabka ahaa ee warfaafinta ka bilaabay Radio laascaanood, judhiiba wuxuu idaacdaa ku soo kordhiyey barnaamijyo tayo leh oo uu badanka ka soo duwi jiray idaacdda BBC WORLD SERVICE barnaamijyadaa oo uu Af-Soomaali ku turjumi jiray waxay badanaa ku saabsanaayeen dhacdooyinka caalamaiga ah iyo aqoon korarsi wax wayn u tari karay ardayda dugsiyada dhexe iyo kuwa sare.

Firfircoonaantiisa, wuxuu markale bilaabay barnaamij tayo leh oo si wayn dhagaystayaashu ugu taxnaayeen una soo dalbanjireen kaas oo uu kaga hadli jiray tiknaloojiyadda cusub. Muddo kadibna wuxuu ku biiray qaybta wararka ee idaacdda oo uu ku soo kordhiyey qaab cusub oo hanaankii warka lagu balaadhiyey.

Wuxuu sidoo kale qayb wayn ku lahaa aasaaskii bogga internetka radiolaascanood oo ka mid ahaa mareegihii ugu horeeyey ee deegaankaa. Isaga ayaana dajiyey hawl maalmeedka bogga internetka, wuxuu sidoo kale mudadaas tababaray qaar ka mid ah wariyayaashii idaacdda si ay ula qabsadaan aaladdan cusub.

Maxamed Cali Cilmi, isaga oo shaqadaas adag haya ayuu hadana wuxuu garab waday mid kale oo wuxuu aasaasay macad luuqadda Ingriisida laga barto Amani, waxaa dugsigaas ka qalin jabiyey dufcado badan oo isxigxigay, taasina waxay u horseeday in uu jeclaado mihnadda macalinimada, wuxuu bare sare ka noqday dugsi sare oo kuyaalla magaalada xuddun oo uu muddo maadooyin kala duwan ka bixin jiray, wuxuu mar kale bare ka noqday dugsiga sare ee magaalada Laascaanood.

Markii radio Laascaanood la xidhay kadib, wuxuu marxuumku aaday wadanka Kenya oo uu yaraantiisii ku soo barbaaray wax barashadiisiina ku sooqaatay, wuxuu halkii ka anbaqaaday

baalkiisii dahabka ahaa oo wuxuu ka hawl galay warbaahinta deegaamiga ah ee wadanka Kenya, wuxuu barnaamij maalinle ah u samaynjiray idaacad ku taalla Nairobi barnaamijkaas waxaa lagu falanqayn jiray siyaasadda wadanka Kenya, Maxamed barnaamijkani wuxuu u furay irido badan, wuxuu ku bartay madax badan taas oo u sahashay in uu macluumaad badan ka helo siyaasadda wadanka Kenaya. Isla maalmahaas wuxuu barnaamij u soosaari jiray ETN-TV kaas oo uu u bixiyey Dacalada Kenya, sidoo kalena wuxuu barnaamijkani diiradda saari jiray siyaasadda wadanka Kenya.

Maxamed Cali Cilmi ilaahay ha u naxariistee wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyey idaacddii dawladda fadaraalka ah xiligii Madaxwayne Cabdilaahi Yuusuf Axmed idaacdaas oo xarunteedu ahayd magaalada Baydhaba. Nasiib wanaag waxaan kaydkii idaacadaas ka helay barnaamij la odhanjiray Faaqidaadda wararka oo uu marxuumku daadihinayo, sidoo kale wuxuu barnaamijkaasi ka bixi jiray Radio Laascaanood.

((………………………………..  ))

Cilmiga Computerka iyo isku xidhaha Internetka oo uu aqoon dheeraad ah u lahaa ayaa u sahlay in uu wax wayn ka barto hababka loo dhiso websiteyada iyo sida loo cilad bixiyo, waxayna ahayd hawshiisa ugu wayn ee uu qaban jiray afartii sano ee u danbaysay noloshiisa, wuxuu dhisi jiray websatyo kala duwan sidoo kale wuxuu cilad saari jiray qaar badan oo kamid ah mareegaha Af-Soomaaliga wax ku baahiya, Ilaahay ha u naxariistee wuxuu maxamed ii sheegay laga soo bilaabo Janaayadii kal hore in uu si buuxda ula shaqayn jiray culimada dacwadda Islaamka faafisa kuwooda ugu caansan, tusaale ahaan wuxuu Sheekh Umal ka caawin jiray barnaamijka live stream oo shiikha u suurta-galiya in uu toos maxaadaro uga jeediyo boggiisa Internetka. Wuxuu sidoo kale cilad saare u ahaa bogga Internetka Halgan.net oo diinta islaamka lagu faafiyo.

Maxamed, wuxuu hore uga soo shaqeeyey websiteyo ay ka mid yihiin radiolaascaanood, Widhwidh Online, Xargaga iyo kuwo kale ilaa uu sanadkii 2009 bilaabay warbaahin uu isagu gaar u lahaa Taleex Media. Bogga taleex.net oo uu gacanta ku hayey wuxuu ku daabici jiray warar iyo maqaallo deegaamiya, kuwaas oo marar badan buuq ku dhaliya siyaasadda mandaqadda SSC.

Maxamed Cali Cilmi, Ilaahoow kuu naxariiso wuxuu ahaa warfidiyeen aan la gaban wuxuu aaminsanyahay, wuxuu ahaa saaxiib jecel cilmiga iyo barashada tiknoolajiyadda cusub ee is bedbedelka badan, ogaalkay hadda wuxuu waday course dhinaca online-ka uu ku baranjiray oo ku saabsan advanded techniques, waxay qalin jabintiisu ugu ekayd 23 bishan halkaas oo uu shahaadada qaadan lahaa 25 bishan laakiin waxaa ka soo horeeyey malaggii oo waa xaqe isagaa ka dhow wax walba.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi “Duqa”

Rashaad15@live.com