Published On: 25 July 2012 1:00 am

Dagaal ka Qarxay Sool-Joogto.

Weriyaha gaarka ah ee Taleex Media u fadhiya caasimada Buuhoodle ayaa soo tebinaya in aaga Sool-joogto uu abbaare af-furkii dagaal xoogani  ka dhex qarxay ciidamada qalabka sida ee deegaanka buuhoodle  iyo maleeshiyada Soomalidiidka SNM-ta ee gardaro iyo gumaad u jooga ah.

Ilaa iyo hadda ma sugna mugga iyo baaxadda uu le’egyahay khasaaraha dagaalkaasi geystay, hase ahaatee daryanka iyo sawaxanka hubka culus ee la isu adeegsanayo ayaa laga maqlayaa dhamaan nawaaxiga goobta dagaalka ilaa Buuhoodle.

Shalay ayay ahayd markii uu hogaamiyaha SSC Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) uu dib ugu soo laabtay caasimada Buuhoodlee kadib socdaal safaro siyaasadeed ah oo uu ku kala bixiyaya dalka gudihiisa iyo dibadiisaba kulana kulmay mas’uuliyiin sar sare oo ay ka wada hadleen amuuraha mandaqada gobolka Cayn. Dr. Xaglatoosiye ee meel fagaare ah kula hadlay kumanyaal taageerayiisha ah ayaa sheegay in lasoo gaadhey xiliggii nabadda iyo wada hadalka  wax lagu xalin lahaa, xabbada iyo gacan ka hadalkuna  meesha ka baxo.Weli  lama oga in hadlkiisaasi saameyn ku leeyahay dagaalka maanta qarxay iyo inkale.

Waxii warar ah ee kasoo kordha xaalada dagaalka kala soco Taleex Media Online.