Published On: 25 July 2012 1:27 am

SAADO CALI OO LOOGU BAAQEY JAGADA MADAXWEYNENIMADA SOOMAALIYA (COD)

Wareysi aad xiiso badan oo xaqiiqda ka tarjumaya, taabanayana dhinacyo badan oo khuseeya talada cakiran ee Soomaaliya oo Professor Maxamuud Siyaad Togane bixiyey ayaa waxuu ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in jagada madaxweynimada loo doorto halyeyada qaranka Marwo Saado Cali Warsame, lagana digtoonaado tuugada uu hogaaminayo Cali Khaliif Galaydh  iyo odayaasha ay afduubeen ee aan siyaasadaba wax ka ogeyn (Cali Baaba iyo 40-kiisa tuug.)

Hadaladii Professor Togane waxaa ka mid ahaa:

“Saado Cali Warsame waa qof muslin ah oo wanaaga Soomaali wada, Baarlamaanku xilka madaxweyninimada ha u dhiibo.  Waa gabar wanaagsan, waa gabar Soomaali ah, waa gabar nabadda ka hadasha, waa gabar ka wada ragsan kuligood…. War Soomaaliyeey isku imaada; war Soomaaliyeey waddankiina iyo sharaftiina difaacda oo tuugada Cali Khaliif Galeyr iyo odayaasha ay afduubeen ha dhigaysanina, maanta waa inaan Soomaali u kacnaa gudaha iyo dibadaba oo aan Maandeeq soo noolaynaa.”

Halkan hoose ka rogo wareysigii Professor Togane oo dhan:

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

 

Xigasho: Radio Rajodoon.com