Talo Ku Socota reer Buuhoodle
Waxaan ku Bilaabayaa Magaca Allah oo naxariis oo dhan iska leh
Reer buuhoodloow waxaad tihin shicib sharaf badan leh oo aad u qiimo iyo qaayo badan, waxaadna sharaftaas qiimaha badan ku mutaysateen oo idiin soo hooyey waa midnimada iyo isku kalsoonida idinka dhaxaysa dhammaan jifaha dega ee reer buuhoodle.
Reer buuhoodloow colaadi waxay ka dhalataa laba fikradood ama aragtiyood oo kala duwan oo laysku afgaran waayey, haddii is afgaran waagaasi qaboobi waayo waxay isu rogtaa colaad dhiig badani ku daato ilaa laysku afgarto ama qolada markaa qaldani ogaato inay qaldan yihiin colaadaasi ma degto.
Reer buuhoodloow sidaad ogtihiinba gobolada Togdheer Saaxil iyo Waqooyi galbeed qabiilka dega degaanadaas wax tafaraaruqa oo ka dhaxeeya jifooyinkiisa ma jirto, hadday noqon lahayd hab siyaasadeed iyo hab dhaqan. Midnimadaas ka dhaxaysa jifooyinkaas dega goboladaas waxay kaloo usoo hooysay in dhammaan gaboladoodu ay gacantooda ku jiraan cid kalana aanay ku maamulin, waana arin in lagu amaano mudan wax lagu faanana ah, waxaa kaloo Midnimadaasi jifooyinkaas dega saddexdaas gobol ee aan kor ku xusay ka dhaxaysa iyo kalsoonidaas ay isu qabaan gaarsiisay inay maamul kooda gaarsiiyaan meelo ka baxsan degaanadooda. ogaadana halkii jifo oo ka mida jifooyinka qabiilkaas waxay u dhigantaa dhalasho ahaan oo waliba ka facwayn tahay Daarood.
Reer buuhoodloow jifooyinkaasi isma yiraahdaan habar awal ayaa doonaysa inay na maamusho ama habar yoonis ama ciidagale ama arab ama habar jeclo dhammaantood waa isku qadiyad waana isku reer wax ama cid ay ka ogol yihiin inay kala qaybiyaan ma jirto.
Hadaladii Faysal Waraabe waxaa ka mid ahaa
“Somaliland waxaa ku socota walaalayaal dhibaato badan baa ku socota. Waad ogtihiinoo soonaha shanaad ee Ethiopia waxaa inagaga socda dagaal la doonayo in dadkeena laga soo saaro soonaha shanaad oo la leeyahay daaqsin bay uyimaadeen ee deegaan ma aha.Waxaa loo baahan yahay in soonaha shanaad oo dhulkeeni ah oo 60% dadkeenu dagan yahay in siyaasadii aynu ku dajin lahayn aynu dowlada Ethiopia looga raadin lahaa in aanay dadka halkaa dagan ayna daaqin ku imana ay yihiin dad reer Itoobiya ah”.
Faysal Waraabe hadalkiisa waxuu ka bilaabay
Somaliland waxaa ku socota walaalayaal dhibaato badan ß sifiican udhuux
Isaaq waxaa ku socota walaalayaal dhibaato badan….
Reer Somaliland Waxay inoo sheegaan in Somaliland aanay qabiil ahayn kana kooban tahay intii xornimada qaadatay 26 jun 1960…
Maxay tahay marka dhibta Somaliland ku socota maadaama aan itoobiya faragelin ku samayn intii qaadatay xornimada 26 jun 1960.
Waxaa Faysal Waraabe halkaa ka cadeeyey inuusan u baahnayn inuu yiraahdo…
Isaaq walaalayaal waxaa ku socota dhibaato badan maadaama Isaaq iyo Somaliland kaad isticmaashaa labadaas kalmadood ay isku midyihiin.
Hadalka Faysal Waraabe ayaa macnahiisu yahay Isaaq midnimadiisu waa muqadas waana inay wada kacaan dhammaan beelaha isaaq si ay wax uga qabtaan arinta kilinka shanaad.
Ogoowna degaanada sool sanaag iyo cayn wuxuu ku eedaynayey odayadii dhalasho ulahaa inay qabyaalad wataan wuxuuuna yiri
“Odoyaasha Daarood ee Xamar ka Hanjabayaa Sool iyo Sanaag ma Jubooyinkii ayay Moodayaan”.
Hadalkaas Faysal Waraabe ee ku saabsan odoyaasha wuxuu xanbaarsan yahay fidmo iyo ka dhex shaqayn beelaha dega jubooyinka iyo hanjabaad uu usoo jeedinayo odoyaasha.
Taasna macnaheedu waa Daarood iskadaa dhammaantiise xataa midnimada Harti waa xaaraan iyo xad gudub lagu samaynayo Isaaq .
Reer buuhoodloow waxaad wada ogtihiin in caynaba ilaa laascaanood maanta aanay gacanta jifooyinkii lahaa ku jirin, cid xoog uga maquunisayna aanay jirin, sababta keentay inay gacantooda uga maqantahay ama uga baxdayna waxaa weeye tafaaruqa iyo midnimo la’aanta haysatay ama ilaa hadda haysata jifooyinkii deganaa degaankaas.
War hooy reer buuhoodloow yaan midnimadaas aad haysateen in mudda ah tan iyo burburkii yaan la idiin dacarayn.
Reer buuhoodloow gardarro haba igu ahaatee noola kasta waxii u oroon waa yaqaan, xayawaanka aan dhaqano hadaad eegtid neefku waa ka yaqaan dadka kale ruuxa uroon, bal waxaad eegtaan oo ka baaraan degtaan saddexdaan shaqsi ee kala ah Cali Khalif Galayr, Cali Ciise Cabdi iyo Saleebaan Ciise Xaglatoosiye Saddexduba hanti ayeey leeyihiin. Waxaad marka eegtaan magaaladaa buuhoodle, maxay saddexdaas nin magaaladaas kusoo kordhiyeen oo dadka ku dhaqan magaladaas faaiido u keeni karta hadday noqon lahayd ceelal hadday noqon lahayd iskuulo hadday noqon lahayd cusbitaalo… iwm.
War hooy reer buuhoodloow ruuxii wax kuu taraa dullayn iyo sharaf ka qaad idin kama mudna.
War hooy reer buuhoodloow yaan midnimadaas aad haysateen tan iyo burburkii la idiin dacarayn.
War hooy reer buuhoodloow yaan layska kiin horkeenin oo yaan la idinka dhex faaiidaysan oo la wiiqin midnimadii xoogga la jebein waayey Rabbi idinku siiyey.
Wa Billaahi Tawfiiq
Qore: Eng Abdirashid Abdi Daad
Email: Guurey@hotmail.com












